Muqdisho (Dawan)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sabtidii hambalyo u diray Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, kaddib markii lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaas ka dhacday, taas oo si weyn ay u diideen mucaaradka dalkaas.
Qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada ee X, ayuu madaxweynaha Soomaaliya ku ammaanay waxa uu ku tilmaamay “horumar la taaban karo” iyo doorka Uganda ee xasilloonida iyo amniga gobolka intii uu Museveni xilka hayay, isaga oo hoosta ka xarriiqay xiriirka dhow ee dhanka amniga ee ka dhexeeya Muqdisho iyo Kambaala.
“Waxaan mar kale xaqiijinayaa sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee aan la leenahay Uganda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Uganda ayaa ah dalka ugu ciidanka badan ee ka qeyb qaata hawlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxaana ay door muuqda ka ciyaartay dagaalka muddada dheer socday ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab. Labada dal ayaa dabayaaqadii sanadkii 2025 sii xoojiyay iskaashigooda, kaddib markii ay kala saxiixdeen heshiisyo cusub oo la xiriira amniga iyo tababarka ciidamada.







