Saturday, July 27, 2024

Nigeria iyo Ivory Coast oo wada ciyaari doona finalka koobka qaramada Afrika

Abidjan (Dawan)-  Xulalka Nigeria iyo Ivory Coast ayaa usoo baxay Finalka Koobka Qarmada Afrika kadib markii ay kasoo kala badiyeen dalaka Koonfur Africa iyo Congo.

Nigeria ayaa Koonfur Afrika uga badisay rigaarayaal (*4-2) kadib markii ay isla dhaafi waayeen ciyaarta (1-1) iyada oo waqti dheeri ah la isla gaaray.

Goolhayaha Koonfur Africa, Ronwen Williams, oo afar rigoore badbaadiyay ciyaartii sideed dhammaadka ee Cape Verde, ayaa ku guul darraystay inuu wax rigoore ah badbaadiyo xalay. Laadka kaliya ee Nigeria iska khasaarisay ayaa yimid kadib markii daafaca Ola Aina uu hawada marsiiyay kubad uu is xoogan u laaday.

Dhanka kale, martigeliyaasha koobka ayaa (1-0) uga badiyay Congo, iyada oo ciyaaryahan Sebastien Haller uu daqiiqadii 65-aad ee ciyaarta goolka guusha u dhaliyay xulka Ivory Coast

Dalka Ivory Coast ayaa marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984

Tartanka Koobka Afrika ayaa lasoo gabagabeyn doona 11 bishaan February, waxaana kulamada ciyaaraha koobkaan lagu ciyaaryay 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Lixda garoon ee lagu ciyaaray kulamada ayaa kala ah Alassane Ouattara, Felix Houphouet-Boigny, Al Salam, Amadou John Coulibaly, Laurent Boco, iyo Charles Konan Bani.

Xulka qaranka Masar ayaa ah xulka ugu guulaha badan qaarada Afrika ee ku guulaysta koobka qaramada Afrika, wuxuuna koobka hantiyay 7 jeer oo ay ugu dambaysay sannadkii 2010.

Nigeria ayaa koobka ku guuleysatay seddex jeer halka Ivory Coast ay qaaday koobka 2 jeer.

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here