Saturday, July 27, 2024

Taliyihii hore ee sirdoonka Itoobiya oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen

Addis Ababa (Dawan)- Golaha Wakiilada Shacabka Itoobiya ayaa ansixiyay isbeddel kooban uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ku sameeyay xukuumaddiisa.

Abiy Axmed ayaa Taliyahii sirdoonka Temesgen Tiruneh u magacaabay Ra’iisul Wasaare ku xigeen, halka uu Taye Atskesellasie, oo hore u ahaan jiray wakiilka joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda.

Wasaradda caafimaadka ayaa loo dhiibay Mekdes Daba, iyada oo bedeshay Lia Tadesse.

Temesgen, oo Demeke Mekonnen kala wareegay jagada Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga Barwaaqo todobaadkii hore ayaa loo magacaabay madaxa hay’adda sirdoonka qaranka Itoobiya November 2020.

Temesgen ayaa ahaa shaqsi ka dhax muuqday Maamulka Abiy Axmed, waayadii ugu dambeysay, waxaana bishii August 2023 loo igmaday inuu hogaamiyo taliska kormeerayay xaaladda deg-degga ah ee lagu soo rogay Gobolka Amxaarada.

Waxaa aad loo bartay magaciisa bishii July 2019 markii loo magacaabay Madaxweynaha Dowlad deegaanka Amxaarada ka dib markii la dilay Madaxweynihii hore ee Gobolka Ambachew Mekonnen iyo laba xubnood oo ka mid ahaa maamulkiisa.

Intaa ka hor, waxa uu la taliye dhanka ammaanka u ahaa Abiy Axmed, oo ay muddo toban sano ka badan ka wada shaqeeyeen Hay’adda Nabad Sugidda ee INSA oo uu mar hoggaan ka noqday Abiy.

Temesgen ayaa hadda bedeli doonaa Demeke Mekonnen, oo ahaa   mudda dheer Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Itoobiya isla markaana ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaas ilaa November, 2020-kii.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda waxaa sii hoggaamin doona Taye Atskesellasie, oo hore u ahaa wakiilka joogtada ah ee Itoobiya u fadhiya Qaramada Midoobay, sidoo kalena kala talin jiray Abiy Axmed arrimaha dibadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here