Wednesday, March 12, 2025

Puntland oo Mamnuucday Keenista Qaadka ee Furimaha Dagaalka

 soohoyde

Taliska Ciidanka Difaaca Puntland ayaa soo saaray amar adag oo lagu mamnuucayo keenista qaadka ee furimaha dagaalka, halkaas oo ay ciidamada howlgalka Hilaac kula dagaallamayaan kooxda Daacish.

Bayaan rasmi ah oo kasoo baxay taliska ayaa lagu sheegay in keenista qaadka laga mamnuucay dhammaan fadhiisimada ciidamada howlgalka Hilaac, laga bilaabo 11-ka Maarso ilaa 21-ka Maarso 2025. Taliska waxa uu si cad u sheegay in cid kasta oo lagu qabto qaad geynta furimaha dagaalka ay la kulmi doonto ciqaab adag.

Amarkan ayaa si gaar ah ugu socday guddoomiyeyaasha degmooyinka Boosaaso iyo Balidhidh iyo sidoo kale ganacsatada qaadka ee ka shaqeeya gudaha Puntland.

Taliska ayaa caddeeyey in sababta go’aankan loo qaatay ay tahay arrimo la xiriira amniga, iyagoo xusay in qaadka uu saameyn taban ku yeesho dagaalyahannada la dagaallamaya kooxda Daacish, taasoo wax u dhimi karta feejignaantooda iyo awoodda dagaalka ee ciidamada.

Bayaanka kasoo baxay taliska ayaa sidoo kale lagu cadeeyey in cid kasta oo jebisa amarkan la marsiin doono ciqaab culus iyo ganaaxyo adag.

“Cidii jabisa awaamirta kasoo baxday Howlgalka Ciidanka Hilaac waxay la kulmeysaa ciqaab iyo ganaaxyo kala duwan,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Go’aankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada Puntland dagaal culus kula jiraan kooxda Daacish ee ku sugan gobolka Bari. Puntland ayaana muddooyinkii dambe xoojisay dagaalka ka dhanka ah kooxdaan

Dhinaca kale, go’aankan wuxuu qeyb ka yahay dadaallo ka socda deegaano kale oo Soomaali dagto, kuwaasoo lagu xakameynayo isticmaalka qaadka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here