Tuesday, December 3, 2024

Dowladda federaalka oo maxkamad la tiigsaneysa Axmed Madoobe

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku gacan sayrtay dib-u-doorashada Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) oo marki seddexaad noqday madaxweynaha Jubaland, iyadoo ku tilmaantay doorashadiisa mid ka hor imaanaysa dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka iyo sharciga lambar 24 ee soo baxay bishii Maarso 2024.

Golaha Wasiirrada oo shir gaar ah ku yeeshay xalay magaalada Muqdisho ayaa hoosta ka xarriiqay in doorashada ka dhacday Jubaland ay ahayd mid sharci-darro ah, maadaama guddiga doorashada Jubaland lagu soo dhisay si aan waafaqsanayn nidaamka sharciga. Sidaas darteed, Golaha Wasiirrada ayaa sheegay in arrintan loo gudbin doono Maxkamadda Sare si looga qaado go’aan sharci ah.

Waxaa kale oo Golaha Wasiirradu faray Garyaqaanka Guud inuu furo dacwad ka dhan ah tallaabooyinkii la qaaday si loo baabi’iyo go’aannadaas. Dowladda ayaa ku sababbeysay go’aankeeda mid lagu ilaalinayo sharciga iyo in dhammaan maamullada ka jira dalka ay u hoggaansamaan dastuurka iyo qawaaniinta dalka.

Axmed Madoobe ayaa shalay markii saddexaad loo doortay madaxweynaha Jubbaland, isaga oo ku guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Kismaayo, kadib markii uu helay 55 cod oo ka mid ah 75 cod oo la dhiibtay. Murashixiinta kale ee tartanka ka qeyb galay, waxaa ka mid ahaa Faysal Maxamed Mataan oo helay 16 cod iyo Abuubakar Cabdi Xasan oo helay 4 cod. Dr. Cabdi Xasan ayaa tartanka isaga haray ka hor inta aan la codeyn.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here