Saturday, July 27, 2024

Dowladda Belgium oo muwaadiniinteeda kala baxday dalka Niger

Niger (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Belgium-ka ayaa ku dhawaaqday inay soo dhamaatay daadgureynta muwaadiniintii ka joogay dalka Niger.

Wasaaradda oo bayaan kasoo saartay daadgureynta muwaadiniinteeda ayaa sheegtay in 130 qof laga soo qaaday  Niger tan iyo bilowgii bishaan August.

Bayaanka ayaa intaa  ku daray in daadgureynta loo adeegsaday diyaarad ciidan oo lasoo marsiiyay dalka  Gabon.

Xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Niger ayaa af-gembiyay 26-kii bisha July Madaxweyne  Maxamed Bazoum, waxeyna ku dhawaaqeen in laalay dastuurka, lana sameeyay “Golaha Badbaadinta Qaranka”.

Dowladaha Africa ayaa ku kala qeybsamay qaabka lagu xallinayo arrinta dalka Niger, waxeyna  qaarkood soo jeediyeen in lagu xalliyo fara-gelin ciidan halka kuwa kale ay soo bandhigeen  in wada hadal iyo qaab siyaasadeed looga gudbi karo dhibaatada dalka Niger.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here