Saturday, July 27, 2024

Nuxurka heshiiska Badda ee Somaliland iyo Itoobiya

Addis Ababa (Dawan)- Waxaa isa soo taraya macluumaadka laga helayo heshiiskii Badda ee ay wada galeen Dowladda Itoobiya iyo Somaliland 1-dii bishaan January kaas oo dhaliyay xiisad soo kala dhax gasha diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Heshiis wajiya badan

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Dowladda Itoobiya heshiiska is-afgaradku waxa uu daboolaya dhinacyo badan oo isagu jira arrimaha bulshada, dhaqaaalha, siyaasaddda iyo ciidmada.

Qoraalka ayaa dib ugu laabtaay taariikhda Somaliand isaga oo xusay in ay xornimada ka qaadatay Boqortoooyadii Britain  26 June 1960 kadibna ay isku biireen Soomaalidii kale ee xornimada ka qaadatay Talyaaniga.  

1991-kii, Somaliland waxay ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka go’aday iyada oo tan iyo xilligaas  ku dhaqmaysay dimuqraadiyad muddo 30 sannadood ah, waxeyna qabatay  doorashooyin is xig-xigay oo xilka lagula kaal wareegay si nabad ah, inkasta oo aysan weli helin aqoonsi caalami ah.

Itoobiya waxa ay sheegtay in ay jiraan Dowlado kala duwan oo heshiis dhanka horumarinta Dekadadah la galay Somaliland kuna leh xafiisyo Hargeysa, iyada oo daliil ka dhigatay heshiiski Dekedda Berbera ee laga siiyay saamiga

“Heshiiskii u ogolaanayay Itoobiya in ay ku yeelato saami gaaraya  19% Dekedda Berbera ayaa caddayn u ah arrintaan, iyada oo ay jiraan wadamo kale oo ku dhaqama nidaamkaan ama heshiisyada nuucaan ah” ayaa lagu yiri, qoraalka

Maxay kala helayaan Itoobiya iyo Somaliland?

Heshiiska Is-afgaradkaan cusub waxa uu u fududeynayaa  Itoobiya in ay hesho saldhig ciidan iyo bad ay u adeegsato ganacsiga iyada oo loo marayo heshiis kiro ah iyo wax is dhaafsi

Somaliland, waxa ay heleysaa kaalmooyin caawinaad iyo iskaashi aanay ka heli karin dal kale, waxa kale oo ay jawab u helayaan  dalabaadkooda muddada dheer.

“Mawqifka Dowladda Itoobiya waxa uu salka ku haya inaan cidna dagaal lala gelin si loo hubiyo fursadaha lagu raadinayo faa’iidooyin danta u  wada ah  dhamaan dhinacyada, iyada oo ay Itoobiya  samaysay dadaalo badan si ay ugu sharraxdo cid kasta oo diyaar u ah in ay dhegeystato”

Kadib wada tashi u socday dhowr bilood  Itoobiya iyo Somaliland waxaa la saxiixay heshiis is-afgarad ah oo fa a’iido u ah labada dhinac.

Heshiiskaan waxa uu fursad u siinayaa Itoobiya in ay gacanka cadmeed ka hesho saldhig ciidan oo joogto ah oo la isku halayn karo iyo bad ay u adeegsato ganacsi iyada oo loo marayo heshiis kiro ah.
Somaliland waxa uu ogolaanaya in ay saami u dhigma kirada ka hesho  Ethiopian Airlines.

Marka laga soo tago, waxa kale oo ka mid ah heshiiska in  ay Itoobiya ku samaynayso qiimayn qoto dheer oo ku wajahan mawqifka ay ka qaadanayso dadaallada ay Somaliland ugu jirto aqoonsiga.

Fursad mar la arag ah

Itoobiya waxa ay sheegtay in heshiisku uusan jebin wax sharci ah ama ku xad gudbin waddan kale.

Dawladda Itoobiya  waxay ugu baaqaday shacabkeeda in ay  ka faa’iidaystaan fursadaan weyn  oo ay ku tilmaamtay mar la arag nolosha  iyaga oo meel iska dhigaya khilaafaadka dhaxdooda ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here