Saturday, July 27, 2024

Mucaaradka oo Dowladda ku taageeray go’aanada lagu difaacayo dalka

Muqdisho (Dawan)-Sida uu bartiisa Facebook ku baahiyay Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, siyaasiyiinta ugu magaca dheer Soomaalida ayaa soo saaray qoraal ay ku taageerayaan tillaabooyinta ay Dowladda qaaday si loo ilaaliyo madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka loogana hortago heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland.

Itoobiya ayaa 1-dii bishaan kula heshiisay Somaliland in ay hesho Bad ay u adeesato howl ganacsi iyo mid ciidan, halka Somaliland ay ka doonto Itoobiya aqoonsi.

Qoraalka siyaasiyiinta ayaa lagu sheegay in khilaafka ka dhax jira Soomaalida lagu xallin karo Soomaalida dhaxdeeda, waxaana loogu baaqaya shacabka Soomaaliyeed in ay u midoobaan difaacidda dalka.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa yiri, “Waxaan si buuxda u garab taagannahay dowladda Soomaaliya, kuna taageeraynaa dadaallada ay ku ilaalinayso qaranimada dalka in lagu soo xadgudbo. Waxaan, sidoo kale, ku amaanaynaa dadweynaha, siyaasiyiinta iyo wax- garadka Somaliland sida geesinimada leh oo ay uga hor yimaadeen heshiiskan uguna gacanseyreen damaca gurracan ee Itoobiya”.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran iyo siyaasiyiinta saxiixay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here