Friday, June 13, 2025

Oruç Reis oo soo gabagabeeyay sahminta shidaalka Soomaaliya

Mogadishu, Soomaaliya – Markab-sahminta ee Oruç Reis, oo ka hawlgalayay badaha Soomaaliya tan iyo Oktoobar 25, 2024, ayaa si guul ah u soo gabagabeeyay sahamintiisa shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.

Markabku wuxuu ku hawlgalay muddo ka badan 7 bilood, isagoo uruuriyay xog muhiim ah oo cilmibaaris ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya, oo booqday markabka ayaa bogaadiyay shaqaalaha iyo kooxda iskaashiga Turkiga ee ka qayb qaatay hawshan muhiimka ah. Madaxweynaha ayaa sidoo kale tilmaamay in natiijada sahankan ay si weyn u beddeli doonto xaaladda Soomaaliya iyo xiriirka iskaashiga ee labada dal, isagoo carabka ku adkeeyay in guushan ay fursad cusub u tahay dalka si uu uga faa’iideysto kheyraadkiisa dabiiciga ah.

“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxa ay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya la maalgashan karo,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa xaqiijiyay in markabka Oruç Reis intii uu hawlgalka socday ay xog cilmibaaris ah ka uruurisay aag dhan 4,464 km², iyadoo sahaminta lagu sameeyay saddex goobood oo muhiim ah.

Markabka Oruç Reis wuxuu bilawday sahaminta Soomaaliya dabayaaqadii Oktoobar 2024, waxaana la filayaa inuu ka tago Dekedda Muqdisho 15-ka Juun 2025, kadibna xogta uu uruuriyay waxay ku laaban doontaa Turkiga. Sahankaan wuxuu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo lagu qiimeynayo awoodda tamarta ee xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee dalka.

Xogta uu uruuriyay Oruç Reis ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta qiimeynta mustaqbalka ee maamulka badda Soomaaliya iyo maaraynta kheyraadka dabiiciga ah ee dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here