Buqa Caleed, Puntland, Soomaaliya – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa guul ka gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, kadib markii ay la wareegeen saldhigyo waaweyn, xarumo shirar iyo dhismayaal shub ah oo Daacish ka dhisatay buuraleyda Buqa Caleed.
Sida uu sheegay hoggaanka Howlgalka Ciribtirka Argagixisada Puntland, ciidamada ammaanka ayaa si buuxda ula wareegay Buqa Caleed, oo horey ay ugu sugnaayeen xubno ka tirsan Daacish. Ciidanka ayaa goobta ka helay dhismayaal casri ah, oo ay ku jiraan xafiisyo, xarumo shirar iyo guryo shub ah, kuwaas oo kooxda Daacish u adeegsan jirtay xarumo talis iyo qorsheynta weerarradeeda.
“Ciidanku waxay heleen xarumo shub ah oo si adag loo dhisay, kuwaas oo ay ku jireen xafiisyo maamul, qolal shirar iyo agab kale. Intii aysan Daacish ka bixin aagga, waxay halkaasi ku gubeen labo gaari – mid weyn iyo mid yar – ka hor inta aysan goobta ka baxsan,” sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan taliska ciidamada Puntland.
Xaruntan cusub ee la qabsaday ayaa loo arkaa mid ka mid ah saldhigyada ugu waaweyn ee Daacish ku lahayd Puntland, taas dad badani qabaan in ay muujinayso in ciidamada Puntland ay wiiqeen awooddii kooxda ee gobolka.
Ciidamada Puntland oo Xoojiyay Dagaalka ka Dhanka ah Daacish
Maalmihii lasoo dhaafay, ciidamada Puntland ayaa sii xoojiyay dagaalka ka dhanka ah Daacish, iyagoo sheegay guulo isdaba-joog ah. Waxaa xusid mudan in dhowaan ciidamada Puntland gacanta ku dhigeen 2,000 oo gantaal, kuwaas oo ay Puntland sheegtay in kooxdaasi farsamaysay, taas oo calaamad u ah sii xoojinta gulufka lagula jiro kooxda.
Wajiga Saddexaad ee Howlgalka Ciribtirka Daacish Puntland
Howlgalka Ciribtirka Daacish Puntland ayaa haatan galay wajigiisii saddexaad, sida uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Puntland ayaa sheegtay in wejiga saddexaad ee howlgalka uu noqon doono mid lagu baacsanayo kooxaha Daacish ee ku dhuumaaleysanaya buuraleyda, isla markaana la burburin doono xarumaha ay uga harsan yihiin gobolka.
Puntland waxay sheegtay inay si buuxda u go’aansatay inay ka ciribtirto Daacish, iyadoo la filayo in dagaalka uu sii socdo ilaa gobolka laga xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida buuxda.