Sunday, July 20, 2025
Array

Puntland oo Diidday Qaadista Cunaqabateynta Hubka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Puntland ayaa si adag u cambaareeyay qaadista cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ee saarneed Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay “khalad weyn” oo halis ku ah xasilloonida qaranka isla markaana awood siinaya kooxaha AS iyo Daacish.

Qoraal u uku qoray wasiirka faceboookiisa, ayaa ku sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku guuldareysatay dhismaha dowlad mideysan oo ammaan ah 34 sano kadib dagaalkii sokeeye, wuxuuna ka digay in Soomaaliya ay weli khatar u tahay nafteeda iyo adduunka.

“Khalad weyn ayaa ahayd in cunaqabateynta hubka la qaado iyadoo Soomaaliya ay weli kala qaybsan tahay oo ay ku jirto halis ay hubka ugu isticmaali karaan ama ugu wareejin karaan gacmo xun sida AS ama Daacish,” ayuu yiri wasiirka.

Puntland ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya aysan kaliya ku guuldareysan dhanka mas’uuliyadaha ka dambeeya khilaafka, balse ay si firfircoon u carqaladeysay nidaamka federaalka. Wasiirka ayaa tilmaamay dhacdooyinka ka dhacay Raaskambooni (Jubaland, Diseembar 2024) iyo Dhahar (Puntland, Luulyo 2025), isagoo sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, oo ay ku jiraan saraakiil ciidan, wasiirro, iyo xildhibaano, ay ku lug lahaayeen kicinta kacsanaan gudaha iyo carqaladeynta howlgallada amniga Puntland.

wasiirku waxay sidoo kale cambaareysay waxa ay ugu yeeray qaab hal dhinac ah ee loo wajahay caawinta caalamiga ah iyo taageerada hubka:

“Khalad kale oo weyn ayaa ah in Soomaaliya hal dhinac oo kaliya (FGS) lagala macaamilo, taas oo caawimaadda shisheeye ka dhigeysa aalad siyaasadeed oo loo isticmaalo wax dumin iyo is-maquunin,” ayuu raaciyay wasiirku.

Wasiirku wuxuu xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku tilmaamay khatarta ugu weyn ee habka dhismaha dowladnimo ee Soomaaliya tan iyo Shirkii Carta ee 2000, isaga oo ku eedeeyay in ay xannibayso wadajirka iyo kala furfuridda maamulka federaalka.

Puntland ayaa hadda ku baaqday in si degdeg ah dib loo eego go’aanka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday beesha caalamka inay dhex-dhexaadiyaan xoogagga siyaasadeed ee Soomaaliya halkii ay si gaar ah ula saaxiibi lahaayeen dowladda dhexe.

Warbixinta ayaa soo baxday xilli xiisado ay ka jiraan Puntland iyo Dowladda Federaalka, gaar ahaan kadib dagaalladii hubeynaa ee ka dhacay Dhahar iyo muranadii dib u cusboonaaday ee ku saabsan qeybinta kheyraadka iyo awoodda dastuuriga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here