Saturday, July 27, 2024

Dowladda iyo Al-shabaab oo si kala duwan uga hadlay qaraxii ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Af-hayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali Doodishe ayaa faahfaahin dheeraad ka bxiiayay qaraxii saakay subaxnimadii ka dhacay magaalada Muqdisho, isaga oo sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxiya lagu soo weerary xarunta Dhul-bixinta maamulka Gobalka Banaadir.

“Khasaaraha ka dhashay qaraxa maanta dhacay waa hal qof oo dhimasho ah iyo laba dhaawac” ayuu yiri, Af-hayeenka Booliska .

Qofka ku dhintay qaraxa ayaa ah shaqaale ka mid shaqaalaha waaxda Gaadiidka dowladda Hoose ee Xamar, halka labad dhaawac ah ay ahaayen dad shacab ah oo meesha uu qarxa ka dhacay ka ag dhawaa, sida uu sheegay Af-hayeenka.

Af-hayeenka ayaa intaas ku daray in la billaabay baaritaan la xiriira sida uu gaariga kusoo gaaray goobta iyo  falka dhacay, iyadoona dib lagala wadaagi doono warbaahinta natiijada kasoo baxda baaritaanka.

Dhanka kale, xoogaga Al-shabaab ayaa sheegtay inay saakay subax qarax la beegsadeen xarun ciidan oo ku taal jidka Warshadaha ee magaalada Muqdisho, kadibna ay ku dileen 23 qof oo isagu jira  askar iyo shaqaalo ka tirsan maamulka gobalka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here