Sunday, May 25, 2025

Puntland oo ku eedeysay Khaatumo gaabis waxbarasho

Garoowe, Soomaaliya – Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si toos ah uga hadlay caqabado waaweyn ee waxbarasho oo uu sheegay in ay wajahaan ardayda ku nool deegaanada SSC Khaatumo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Puntland aysan mar dambe ka aamusi karin dhibaatadan.

Ilyaas ayaa arrintan kaga hadlay xafladdii daahfurka imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland 24-ka May 2025, isagoo balan qaaday dadaallo lagu horumarinayo helitaanka iyo tayada waxbarashada gobolka.

Waxa uu shaaca ka qaaday in saddexdii sano ee u dambeeyay ardayda SSC Khaatumo ay la kulmeen gaabis waxbarasho oo daran, taasoo uu ku sababeeyay dagaallo socday iyo maamulka siyaasadeed ee deegaanka.

Lugatoor ayaa sidoo kale ku eedeeyay hoggaanka SSC Khaatumo inay waqtigooda ku lumiyeen siyaasadda iyo durbaan garaacista madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud iyo xisbigiisa Xamar sida u hadalka u dhigay halkii ay wax ka qaban lahaayeen waxbarashada.

“Duruufuhu waxay nagu kallifayaan in wixii kale aan ku hallayno ee waxbarashada aan lagu haeyn, wasaaradda waxbarashaduna way amran tahay arrintaas,” ayuu yiri.

Waxa uu carrabka ku adkeeyay in inkastoo caqabadaha siyaasadeed ay jiraan, Puntland ay ka go’antahay in waxbarashada SSC Khaatumo la horumariyo. Madaxweyne ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Puntland ay maalgelin xooggan ay u heyso waxbarashada deegannada SSC khaatumo, isagoo tusaale u soo qaatay maalgelin ka badan $3 milyan ee degmada Taleex iyo kuwa kale oo Cayn iyo Sool ah  oo iyagana ka badan $7 Miylan

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here