Saturday, July 27, 2024

Jabuuti iyo Faransiiska oo xoojinaya iskaashiga dhanka difaaca

Jabuuti (Dawan)-Wafdi heersare ah oo ay hoggaaminayaan Wasiirada Difaaca iyo Arrimaha Dibadda Faransiiska ee lagu kala magacaabo Sébastien Lecornu iyo Catherine Colonna, ayaa booqasho shaqo ku jooga maalmahaan dalka Jabuuti, iyaga oo mas’uuliyiinta ugu sarreysa kala hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka ka dhaxeeeya dowladaha Faransiiska iyo Jabuuti.

Booqashada wafdigaan oo qaadatay laba maalmood, waxay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo wasiirada dhigooda ah ee Maxamuud Cali Yusuf iyo Xasan Cumar Burhaan iyaga oo meel isla dhigay in la cusbooneysiiyo iskaashiga labada dowladood.

“Waan ku faraxsanahay inaan soo dhaweeyo Wasiirada Catherine Colonna iyo Sébastien Lecornu. Waxaan yeelanay kulan miro dhal ah oo lagu xaqiijinayo saaxiibtinimada labada dal iyada oo lasii xoojinayo iskaashiga istiraatajiyadeed, gaar ahaan dhinaca ciidamada iyo dib u cusboonaysiinta heshiiska difaaca ee Jabuuti iyo Faransiiska,” ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa warbaahinta gudaha u sheegay u sheegay in labada dowladood ayaa si qota dheer uga wada xaajoodeen xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya taas oo looga gol leeyahay in la saxiixo dhowr heshiis oo cusub bilaha soo socda.

Dharbaaxada Galbeedka Afrika iyo weerarada Xuutiyiinta

Dhibaatooyinkii uu Faransiisku kala kulmay Galbeedka Afrika waxa ay keentay inuu si degdeg ah ugu dhaqaaqo dhinaca Bariga Afrika si uu ilaaliyo danaha uu ka leeyahay Badda Cas.
Faransiiska ayaa dharbaaxo kulul kala kulmay dalalka Mali, Burkina Faso, iyo Niger taas oo wiiqday saamayntii ay ku lahaa xeebaha Galbeedka Afrika.

Booqashada ay labada wasiir ee muhiimka ah ku tageen Jabuuti ayaa loo arkaa tillaabo uu Faransiisku uga hortegayo dhibaatadii ka qabsatay Galbeedka Afrika.

Booqashadu waxa ay sidoo kale kusoo beegmeysa iyada oo ay sii xoogeysanayaan weerarada Kooxda Xuutiyiinta Yemen ee ka dhanka ah maraakiibta ganacsiga Israel taas oo keentay in amniga Koonfurta Badda Cas uu qalqal galo.

Markabka dagaalka Faransiiska ee loo yaqaano “Languedoc” ayaa dhawaan soo riday ilaa saddex diyaaradood oo Xuuthiyiintu ay doonayeen in ay ku weeraraaan maraakiib ku socotay Badda Cas.

Saldhigyada dowladaha waaweyn ee Jabuuti

Jabuuti waa dal yar oo dhaca Geeska Afrika ayna ku noolyihiin 1.1 milyan oo qof, mana go’in xiriirka xooggan ee kala dhaxeeyay dowladda Faransiiska tan iyo markii ay xornimada qaateen 1977-kii.

Jabuuti waxaa ku yaal saldhigga ugu weyn ee Faransiisku ku leeyahay Afrika oo ay joogaan (1,500 oo askari), waxay sidoo kale ku yaal saldhigga kaliya ee Mareykanku ku leeyahay Afrika oo ay joogaan (4,000 oo askari).

Sannadkii 2017-kii, Shiinaha ayaa ka furtay Jabuuti saldhiggii ugu horreeyay ee mileteri oo Shiinuhu uu ku yeesho dibadda.

Dowladaha Ruushka iyo Talyaaniga ayaa iyaguna ku leh Jabuuti saldhigyo ciidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here