Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda ee Puntland, Abdirisak Abdulahi Xagaa, ayaa 28kii April kulan la qaatay koox khubaro ah oo ka socday xarunta EDCONS ee dalka Kenya.
Kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray dhismaha suuqa cusub ee kalluumaysatada magaalada Boosaaso siada ays heegatya wasaaradda Kalluumeysiga.
Wasiirka ayaa warbixin hordhac ah ka dhagaystay khubaradan, kuwaas oo sameyn doona qiimayn iyo daraasad ku saabsan qaab-dhismeedka suuqa cusub ee kalluumaysatada.
Sida lagu shaagay qoraal kasoo baxay wasaaradda wasiir Xagaa ayaa sheegay in ay dadaal xoog leh ku bixiyaan sidii ay suuqaas casriga ah ugu heli lahaayeen iskaashatada kalluumaysiga ee Boosaaso.
“Wasiiwka waxa uu khubarada faray in daraasadooda ay ku saleeyaan baahiyaha dhabta ah ee kalluumaysatada.” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.
Kulanka waxaa sidoo kale ka soo qaybgalay Wasiirka Warfaafinta ee Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland, Maxamed Jaamac, iyo masuuliyiin kale.
EDCONS Kenya waa shirkad la-talinta iyo injineernimada oo ku taal Nairobi, Kenya taas oo bixiso adeegyo khaas ah oo ku saabsan injineernimada dhismaha iyo madaniga ah.