Saturday, July 27, 2024

Puntland: Shilalka gawaariada oo galaafaty nolosha 54 qof sannadka 2023

Garoowe (Dawan)- Taliyaha Laanta Nabad Gelyada Wadooyinka ee Maamul Goboleedka Puntland, Gaashaanle Sare, Fataax Siciid Sulaymaan ayaa sheegay in 54 qof ay ku dhinteen, 800 oo kalena ay ku dhaawacmeen shilalka gawaarida ee ka dhacay sannadkaan sii dhamaanaya guud ahaan Puntland.

Taliyaha ayaa Warbaahinta u sheegay in shilalka guud ee la diiwaan geliyay ay gaarayaan 17,011 Shil, kuwaas oo ay ku burbureen 800 oo gawaari iyo 500 oo Mooto Bajaaj ah.

Gaashaanle Sare, Fataax Siciid ayaa xusay in hoos u dhac ku yimid sannadkaan dadka ku dhintay shilalka marka loo eego sannadkii hore oo ay dhimashado ahayd 78 qof hadana ay tahay 54 qof.

Taliyaha ayaa ku sababeeyay hoos dhaca shilalka dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin wacyiga bulshada oo kordhay, tirada Taraafikada oo la badiay iyo dayactir ballaan oo lagu sameeyay waddooyinka Maamul Goboleedka Puntland.

Shilki ugu dambeeyay ayaa ka dhacay Gobalka Bari, waxaana ku dhintay ilaa seddex qof, sida uus sheegay Gaashaanle Sare, Fataax Siciid .

Taliyaha ayaa ugu baaqay gaadiidleyda in ay isa saaraan mas’uuliyad weyn sidoo kalena ay fuliyaan shuruucda waddooyinka si loo yareeyo shilalka sababa dhimashada tirada badan iyo burburka hantiyadeed.

“Dadka waxaan ka codsaneynaa in ay noqdaan dad feejigan oo digtoon, oo runtii la socda wacyiga iskana hubiyaan bad qabka gaadiidka ay wataan inta aysan kaxeysan” ayuu yiri, Taliye Fataax Siciid.

Isbuuc ka hor ayay ahayd, markii Magaalada Qardho uu ka dhacay shil gaari oo sababy dhimashada mid ka mid ah musharaxiinta u tartameysa xilka Madaxweynaha Puntland kaas oo lagu magacaabi jiray, C/risaaq Af-guduud iyada uu dhaawac kasoo gaaray seddex qof oo la socotay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here