Saturday, July 27, 2024

Puntland: Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu lumiyay sharciyaddii Madaxweynanimo

Garoowe (Dawan)- Shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirada ee Puntland yeesheen ayaa looga hadlay go’aanka uu Baarlamaanka Soomaaliya ku ansixiyay wax ka bedelka cutubyada 1-aad ilaa 4-aad ee Dastuurka dalka.

Puntland ayaa ku tilmaamtay tillaabadaas in ay tahay mid sharciga baalmarsan oo laga leeyahay dano gaar ah, sidoo kalena burburineysa sharciyaddii iyo heshiisyadii illaalinayay midnimada dalka ee ku dhisanaa hannaanka Federaalka ah.

Go’aanka Puntland

Go’aanada kasoo baxay shirka Golaha Wasiirada ee Puntland waxaa ugu muhiimsan;

  1. Dowladda Puntland waxay kala noqotay aqoonsigii iyo kalsoonidii hay’addaha Dowladda Federalka ah inta laga helayo hannaan dastuur dhamaystiran oo Soomali heshiis kuwada tahay, Puntland-na qeyb ka tahay
  2. Dowladda Puntland waxay yeelanaysaa awood dowlad dhamaystiran oo madax bannaan inta laga helayo hannaan dowladeed oo federaal ah, heshiisna lagu yahay, lehna dastuur Soomaali heshiis ku tahay, afti dadweynena loo qaaday oo ay Puntland qayb ka tahay.
  3. lyadoo la raacayo qodbada aasaasiga ah ee Dastuurka dowladda federalka ah ee Somalia Cutubkiisa 1-aad qodobkiisa 1-aad farqada 1-aad iyo farqada 2- aad ee Mabaadida aasaasiga ah, oo u qoran sidaan” waxaa reebban in qof ama qeyb ka mid ah bulshada sheegto gobanimada jamhuuriyada federalka ah ee Soomalia ama u adeegsadaan dastuurka si gaara” sidaa daraadeed Xasan sheikh Maxamuud waxuu buriyey dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee isaga lagu doortay laguna dhaariyey. Hadaba, Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu lumiyay sharciyadii dastuuriga aheyd ee Madaxweynanimo.
  4. Dowladda Puntland waxay soo dhoweynaysaa wadashaqeyna la yeelanaysaa cidkasta oo aqoonsan kuna dhaqmeysa dastuurkii heshiiska lagu ahaa ee la ansixiyey 1-dii August 2012.
  5. Dowladda Puntland waxay si toos ah ugala xaajoonaysaa Beesha Caalamka iyo Hay’adaha Caalamiga ah arrimaha la xariira danaheeda.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here