Saturday, July 27, 2024

Putin oo marki shanaad u tartamaya madaxtinimada Ruushka ee 2024

Moscow (Dawan)- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay in ay dalkaas ka dhacdo sannadka 2024-ka, sida ay sheegtay wakaalada wararka Ruushka ee TASS.

Wakaaladdu waxay intaas ku dartay in Putin uu arrintan kaga dhawaaqay Aqalka dalkaas looga taliyo ee Kremlin-ka, xilli uu abaal marin iyo billad sharaf guddoonsiinayay asgartii ka soo dagaalantay dalka Ukraine.

Madaxweyne Putin ayaa heysta taageero ballaaran, ka dib ku dhawaad ​​rubuc qarni uu xukunka dalka Ruushka hayay.

Golaha Aqalka sare ee baarlamaanka Ruushka ayaa khamiistii mudeeyay taariikhda doorashada madaxtinimo ee dalkaas oo ku beegan 17-ka bisha March 2024-ka.

Hogaamiyahaan 71-jirka ah ayaa hore ugu guuleysatay afar doorasho oo madaxtinimo, wuxuuna muddo kooban ka soo noqday ra’iisul wasaare.

Mudda xileedka Madaxweyne Putin ee hadda ayaa ku eg May 7, 2024.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here