Wednesday, December 4, 2024

Q M oo $5 Milyan ku kabeysa wax ka qabashada saamaynta abaaraha Soomaaliya

New York (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqday inay $5 milyan ka soo saartay Sanduuqa Dhexe ee Gargaarka Degdegga ah (Central Emergency Response Fund) si loogu taageero tallaabooyinka hore ee looga hortagayo abaaraha ku soo wajahan Soomaaliya, sida ay sheegtay sii hayaha Gargaarka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, Joyce Msuya.

Soomaaliya ayaa looga cabsi qabaa inay so wajahdo khatar sare oo ah abaaro ay sababtay La Niña, iyadoo ay jirto hoos u dhac 70% ah oo ku yimid roobabki la filaayay inay ka da’aan dalka, taas oo si gaar ah halis ugu ah bulshada miyiga ee ku nool bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya iyo Puntland.

Saameynta abaaraha ayaa la filaya ay khatar gelin karto helidda cuntada ee dadka ku nool gobolladaas sida ay sheegtay Qaramada Mibooday.

Deeqdan cusub ee $5 milyan waxaa ka faa’ideysan doona in ka badan 130,000 qof, iyadoo xooga la saarayo arrimaha badbaadada, cuntada, iyo adeegyada biyaha, fayadhowrka, iyo nadaafadda.

Lacagtan ayaa sidoo kale kab u ah $5 milyan oo horay loogu qoondeeyay ka hortagga abaaraha ee Sanduuqa Gargaarka Bini’aadantinimo ee Soomaaliya (Somalia Humanitarian Fund).

Deeqadaan waxay kusoo beegmeysaa xilli shirweynaha cimilada COP29 uu ka socdo magaalada Baku ee dalka Azerbaijan iyadoona Soomalaiya ay ku jirto dalalka ka qebygalaya taas oo ay ka rajeynayo inay hesho maalgelin dheeraad ah si loo taageero dadaallada wax ka qabashada saameynta cimilada ee sii kordheysa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here