Wednesday, December 4, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Hargeysa

Waxaa meel gabagabo ah maraya tirinta codadka doorashadii shalay ka dhacday Somaliland . In natiijada rasmiga ah lagu dhawaaqo waxay qaadan doonta maalmo balse waxaa suurta gal ah in la helo natiijo hordhac ah.

Dhanka kale, qaar ka mid ah diblomaasiyiinta caalamka u jooga Soomaaliya oo ay qaarkood hadda ku suganyihiin Hargeysa ayaa bogaadiyay hannaanka doorashada, waxayna ugu baaqeen murashaxiinta inay aqbalaan natiijada soo bixi doonta.

Baku

Soomaaliya iyo hay’adda Global Center for Climate Mobility ayaa kala saxiixday heshiis diiradda lagu saarayo awood siinta bulshooyinka u nugul isbedelka deegaanka iyadoo la maalgelinayo mashaariic gaar u ah baahiyaha dadkaas.

Soomaaliya / Cummaan

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u magacaawday dalka Cummaan, Bashiir Xasan Xaaji ayaa warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay maanta Suldaan Haytham bin Daariq.

Jigjiga

Xuska maalinta caalamiga ah ee xanuunka macaanka ayaa maanta lagu qabtay Isbitaalka Sheekh Xasan Yabaree ee magaalada Jigjiga, iyada oo bulshada loo sameeyay baraarujin guud iyo wacyi gelin la xiriirta ka hortagga cudurka macaanka.

Kenya

Wasaaradda caafimaadka Kenya ayaa sheegtay in tallaalka ka dhanka ah cudurka dabeysha la siiyay carruur ay tiradoodu gaareyso 3.6 milyan, taas oo ka dhigan 86 % bartilmaameedki la qorsheeyay.

Faransa

Ururka duuliyayaasha diyaaradaha ee Faransiiska ayaa qorsheynaya inay ku dhaqaaqaan shaqo joojin iyaga oo ka cabanaya jadwallada shaqadooda, waxaana cabsi wayn laga qabaa saamaynta ay ku yeelan doonto kumanaan qof oo rakaab ah.

Falastiin

Human Rights Watch ayaa soo bandhigi doonta warbixin cusub oo ku saabsan sidii mas’uuliyiinta Israel ay u sababeen barakicin qasab ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta iyo inay Gaza ka gaysteen dambiyo dagaal tan iyo October 2023.

Turkiga

Dowladaha Turkiga iyo Qatar ayaa kala saxiixday 8 heshiis oo ay ku jiraan iskaashiga dhanka dukumentiyada, keydka xogta, dhanka warbaahinta, isgaarsiinta, gargaarka bini’aadantinimo, dhalinyarada iyo ciyaaraha, gaadiidka dhulka iyo iskaashiga ciidamada.

Sri Lanka

Muwaadiniinta Sri Lanka ayaa maanta u dareeray doorashada baarlamaanka, iyada oo ay xaq u leyihiin inay codkooda dhiibtaan ugu yaraan 17 milyan oo qof.

Iran

Taliyaha Ilaalada Kacaanka Iran Xuseen Salaami ayaa wacad ku maray inay jawaab ka bixin doonaan weerarkii ay Israel ku qaaday dalkiisa dhamaadkii bishii October, wuxuuna ballan qaaday inay sii wadi doonaan taageeridda Xisbullaah iyo kooxaha kale ee iska caabbinta.

Suuriya

Wakaalladda Wararka Syria ee SANA ayaa sheegtay in 15 qof ay ku dhinteen 16 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan haween iyo carruur, kadib weerar ay diyaaradaha Israel ka fuliyeen caasimadda Dimishiq iyo baadiyaha dalkaas.

Pakistan

Laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay 3 kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here