Monday, May 20, 2024

Qaramada Midoobay oo magacaawday ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Soomaaliya

New York (Dawan)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay  George Conway inuu noqdo  ku xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Soomaaliya .

George Conway oo kasoo jeeda dalka Canada ayaa sidoo kale noqon doona isku duwaha horumarinta iyo  arrimaha bani aadanimada , wuxuuna beddeli doona Aadam Cabdulmowla oo loo wareejiyay dalka Suuriya.

George Conway ayaa leh waayo aragnimo ka badan 20 sano oo la xiriirta ka shaqeynta arrimaha bani aadanimada, waxa uuna  ka soo shaqeeyay dalal badan oo ay ka mid yihiin Suudaan, Indonesia, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here