Saturday, July 27, 2024

Mareykanka oo Kenya ka caawinaya saameynta fatahaadaha

Nairobi (Dawan)- Dowladda Mareykanka ayaa ballan qaadday inay Kenya siinayso lacag dhan 153.9 milyan oo lacagta Kenya ah.

Taageeradaan maaliyadeed ayaa loogu tala galay in wax looga qabto saameynta ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay Gobollo badan oo ka tirsan dalka Kenya.


Safiirka Mareykanka ee Kenya, Meg Whitman ayaa sheegtay in xukuumadda Washington ay ka go’an tahay inay Kenya garab siiso xilli ay wajahayso dhibaatada mid ka mid ah fatahaadihii ugu darnaa ee soo mara tobaneeyo sano.

Safiiradda ayaa intaasi ku dartay in deeqda ay bixinayaan ay kaalin wayn ka qaadan doonto in dadka ay daadadku saameeyeen ay helaan hooy, agabka nadaafadda iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah nolosha aadanaha.

500,000 oo qof ayaa saameyn kasoo gaartay fatahaada ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee Kenya ka da’ay bishii lasoo dhaafay halka in ka badan 100,000 oo qoysas ah ay barakaceen, iyada oo ay ku dhawaad hal malyan oo carruur ah ay halis ugu jiraan nafaqo darro.

Lacagata uu Mareykanku bixinayo ayaa lagu wareejin doona Hay’adda Laanqayrta Cas ee Kenya iyo Hay’adaha kale ee samafalka ka shaqeeya si wax loogu qabto dadka dhibaateysan, sida ay sheegaty, Meg Whitman.

Mombasa, Garissa, Tana River, Makueni, Marsabit, Kilifi, Kwale, Meru, Isiolo, Turkana, Samburu, Wajeer, Homa Bay, iyo Busia ayaa ah Magaalooyinka ugu badan ee ay ka jirto saameynta fatahaadaha.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here