Saturday, July 27, 2024

Faah-faahinta Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Dawan)- Qarax dhawaqiisa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, ayaa caawa ka dhacay maqaayad ku taal agagaarka Xaawo Taako.

Taliska Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in Cabdifitax Macalin Nuur (Qeys) agaasimihii Somali Cable Tv faraciisa Muqdisho, ku geeriyooday qaraxa, halka ay ku dhaawacmeen afar qog oo kale.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka tacsiyeysay geerida Cabdifitax, halka ururada warbaahinta Soomaaliyeed ay cambaareeyeen dilka lagula kacay Weriyaha.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, iyada oo tilmaantay in lala beegsaday qaraxa ciidamo isagu jira Boolis, Milteri iyo Nabadsugid ku sugnaa goob ammaanka lagu hubiyo oo ku taal agagaarka Madaxtooyada.

Qaraxaan ayaa kusoo beegamaya iyada oo dadka ku nool magaalada Muqdisho ay dhawaan dhigeen bannaan baxyo looga soo horjeedo qaraxyada ay Kooxda Al-shabaab ka geysato magaalada.

Madaxweynah Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo dhawaan khudbad ku saabsan xusuusta qaraxii Soobe ayaa ballan qaaday in ay ka go’antahay ciribka tirka Al-shabaab.

Dagaalka dowladda iyo kooxda Al-shabaab ayaa xoogeysatay bilihii lasoo dhaafay, waxeyna labada dhinac kala sheegtaan in ay guulo ka gaareen dagaalka.

Cutubyo ka tirsan ciidamadii tababarka u jiray Eritrea ayaa dalka kusoo laabtay, waxaana lagu wadaa in ay ka qeyb qaataan dagaalka ay dowladdu ku dooneyso in ay Al-shabaab uga saarto deegaanada ay ka taliyaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here