Saturday, July 27, 2024

Xasan Sheekh: Ballantii aan qaadnay waan ka dhabeynay

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Xarunta Ciidamada Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, halkaas oo ay ka socoto dib u soo celinta Ciidamada tababarka ugu maqnaa dalka Ereteriya.

Madaxweynaha ayaa la dardaarmay cutubyo maanta dib u soo laabtay, waxa uuna la wadaagay rajada iyo hamiga shacabka Soomaaliyeed ay ku qabaan in ay ka qeyb-qaataan cirib-tirka khawaarijta Al-shabaab, isagoo ku bogaadiyey Taliska Ciidamada Xoogga Dalka sida ay u fulinayaan qorshaha qaran ee tayeynta iyo dib u habeynta Ciidamada Xoogga Dalka” ayaa lagu yiri, qoraalka lasoo dhigay barta Facebook ee Villa Somalia.

Ciidamada dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka kooban ciidanka Dhulka, Cirka iyo Badda, waxayna isugu jiraan qaar sannado badan ku maqnaa Ereteriya iyo cutubyo sannadka 2023 bilowgiisa la diray kuwaas oo soo dhammeystirtay tababarkooda, si degdeg ahna dalkooda loogu soo celiyey, taas oo meesha ka saartay duruufo badan oo soo food saari jiray dhallinyarada u istaagay diifaca dalkooda, culeysna ku ahayd waalidkii ay ka tageen iyo qarankoodaba.

Villa Somalia ma sheegin tirada ciidamada laga soo celiyay dalka Ereteriya, balse wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ilaa shan diyaaradood ay xalay kasoo degeen garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, iyada oo la filaayo in maalmaha soo socda lasoo celiyo ciidamo kale.

Madaxweyne Xasan oo ciidanka la hadlay ayaa yiri ” “Ballantii aan waalidkiinna ka qaadnay waan ka dhabeynay, taan idinka idin ka qaadnayna waan ka dhabeynay, taad idinku qaaddeen baa idin ku dhiman, in aad ka dhabeysaana waan rajeynayaa insha Alaah.”

Dhankooda, Cutubyadan soo noqoshadooda uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay tayada iyo tababarka adag ee ay soo qaateen, waxa ayna muujiyeen farxaddooda ku aaddan in loo sii diyaariyey xarummihii ciidan ee ay lahaayeen, saaxiibadii ka soo horeeyey ee dalka soo gaarnay ay ka soo laabteen fasaxyadii, haatanna ay u diyaarsan yihiin gulufkii xoreynta dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here