Saturday, July 27, 2024

WARIYE BUSHAARO BAANDEY OO LAGU RIDAY XUKUN XABSI LA IIBSAN KARO

Hargeysa (dawan)- Maxkamadda Hargeysa ayaa maanta hal sano oo xabsi ah ku xukuntay wariye Bushaaro Cali Baandey oo bilooyinkii ugu danbeeyay ku xirneed xabsiga Hargeysa.

Bushaaro ayaa lagu eedeeyay inay faafisay dacaayad  iyo warar been abuur ah oo lagu kicinaayay  dadweynaha, waxaana la xiray 15-kii May.

Hay’adaha u doodaha xuquuqda aadanaha ayaa walaac ka muujiyay xirista Bushaaro, waxeyna dhowr jeer ugu baaqeen mas’uuliyiinta Soomaaliland in xorriyadeeda dib loo siiyo wariye Bushaaro.

Muddada xabsiga ah ee lagu xakumay wariye Bushaaro ayaa ah mid la iibsan karo, sida uu xaqiijiyay qareenkeeda.

Soomaaliland ayaa dhowr jeer xabsiga u taxaabtay wariyaal, waxaana la xasuusta markii Cabdimaalik Coldoon la xiray sanadkii 2019-ka, isaga oo xabsiga ku jiray muddo saddex sano ah.

Guud ahaan Soomaaliya ayaa weli ka mid ah dalalka ugu halista badan ee suxufiyiintu ka howl galaan, waxeyna la kulmaan xad gudubyo, sida ay sheegaan hay’adaha u doodaha xuquuqda aadanaha iyo shaqaalaha warbaahinta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here