Monday, April 28, 2025
Array

Qodobada Ugu waaweyn Wararka dunida oo kooban

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Jowhar

Madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa shaaciyey sababta uu xilka uga qaaday Wasiirkii Howlaha Guud ee Hirshabeelle, taasoo uu ku sheegay in ay sabab u tahay dayacaad shaqo.

Garoowe

Puntland ayaa soo saartay go’aamo ku saabsan xakameynta tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah ee ka dhaca garoomada Puntland. Go’aankan ayaa lagu soo saaray kadib kulan ay yeesheen Wasaaradaha Amniga, Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland, Taliye Ku-xigeenka Booliska Puntland, Laanta Socdaalka, iyo Maamulka Garoonka Garoowe.

Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Cilmi Maxamuud Nuur, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee UNDP ee Soomaaliya, Lionel Lourense.

Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Villa Soomaaliya ku qaabilay Mikhail L. Bogdanov, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibadda ee Ruushka iyo Wakiilka Gaarka ah ee Madaxweynaha Ruushka ee Bariga Dhexe iyo Afrika. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo la isla gartay in la adkeeyo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaalaha, iyo amniga.

Jigjiga

Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa si heer sare ah u xustay sannad-guurada 34-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Booliska, munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo shalay lagu qabtay garoonka kubadda cagta ee magaalada Jigjiga.

Washington

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee Jabuuti, Ilyaas Muuse Dawaaleh, ayaa ka qaybgalay 24 April 2025 madal muhiim ah oo lagu qabtay shirweynaha sanadlaha ee Bangiga Adduunka, taas oo diiradda lagu saarayay xoojinta amniga cuntada iyo abuurista shaqooyin Afrika.

Jabuuti

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Ciraaq, Abdul Amir Al-Shammari, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti 25 April 2025, halkaas oo uu kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jabuuti, Saciid Nuux Xasan.

Somaliland

Somaliland maanta waxa ay soo gabagabeysay guud ahaan diiwaangelinta ciidamada madaniga ah, sida uu sheegay madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

Mashruucii diiwaangelinta ciidamada madaniga ah ee Somaliland ayaa kusoo gabagaboobay maanta degmada Quri-lugud, halkaas oo ahayd goobtii laga bilaabay bilo kahor.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here