Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Muqdisho
Abdirahman Abdishakur Warsame, hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo xildhibaan federaal ah, ayaa maanta baraha bulshada ku sheegay in fal gurracan ay wadaan Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Qaranka, isagoo ku eedeeyay inay cadaadis xooggan ku hayaan jaamacadaha magaalada Muqdisho oo si qasab ah loogu diiwaan geliyo ardayda, macalimiinta, iyo shaqaalaha jaamacadaha.
Muqdisho
Shir wadatashi oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ururrada siyaasadda ee diiwaangashan ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo qayb ka ah diyaargarowga qabsoomidda Gogosha Qaran ee uu dhawaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay.
Hirshabeele
Hirshabeele ayaa xiriirka wadashaqeynta u jartay gudoomiyaha hay’adda musiibooyinka qaranka Soomaaliyeed maalin kadib markii uu gudoomiyaha deegaanada hirshabeele geeyay gargaar aysan ku qancin Hiershabeele.
Muqdisho
Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu baaqday dhammaan kalluumeysatada iyo shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan xaaladaha badda ee kacsan (Jiidmaal), kuwaas oo khatar weyn ku ah badbaadada doomaha iyo dadka ku sugan badda
Garoowe
Puntland ayaa 24 May 2025 si rasmi ah u bilowday olole tallaal oo ballaaran oo isku dhafan, kaas oo laga hortago cudarada jadeecada, dabaysha, oof-wareenka, iyo laba cudur oo kale oo carruurta halis ku haya.
Garoowe
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa si toos ah uga hadlay caqabado waaweyn ee waxbarasho oo uu sheegay in ay wajahaan ardayda ku nool deegaanada SSC Khaatumo, isaga oo carrabka ku adkeeyay in Puntland aysan mar dambe ka aamusi karin dhibaatadan.
Jigjiga
Xukuumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa ku howlan hirgelinta barnaamijka ballaaran ee dhirbeerista ee lagu magacaabo “Dhaxalreebka Cagaaran”, kaasi oo sanadkan 2017-ka tirsiga Itoobiya lagu qorsheeyay in deegaanka laga beero 14 milyan oo geed.
Jabuuti
Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa si kulul u eedeeyay Dowladda Imaaraadka Carabta, isagoo ku eedeeyay inay u isticmaalaan maalgashiyadooda ballaaran ee Afrika sidii dabool ay ugu qarsoomaan joogitaan milatari, iyagoo ka dhigaya horumarinta dhaqaalaha mid dabool u ah.