Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:
Mogadishu
Markab-sahminta ee Oruç Reis, oo ka hawlgalayay badaha Soomaaliya tan iyo Oktoobar 25, 2024, ayaa si guul ah u soo gabagabeeyay sahamintiisa shidaalka ee xeebaha Soomaaliya.
Markabku wuxuu ku hawlgalay muddo ka badan 7 bilood, isagoo uruuriyay xog muhiim ah oo cilmibaaris ah oo ku saabsan kheyraadka shidaalka iyo gaaska ee Soomaaliya.
Muqdisho
Taliyaha US Africa Command (AFRICOM), Jeneraal Michael E. Langley, ayaa ka hadlay khatarta amni ee Afrika, gaar ahaan kooxaha ka hawlgala qaaradda, isagoo si gaar ah u tilmaamay khatarta Daacish ee ka jirta Soomaaliya. Taliyaha AFRICOM ayaa sheegay in kooxaha ka dagaallama Afrika, sida Daacish oo ka faa’iideysanaya xaaladaha amni-darro, ay sii kordhinayaan khatarta gobolka, iyadoo Soomaaliya ay tahay saldhig muhiim ah oo kooxahaas ay ka hirgalaan.
Muqdisho
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa 11-ka Juun 2025 si rasmi ah u magacaabay guddoomiyeyaasha cusub ee degmooyinka Dharkeenleey iyo Waaberi, isagoo xilka ka qaaday kuwii hore.
Hirshabeele
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo gacan ka helaya saaxiibada caalamiga ah, ay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Dhexe ku dileen 13 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.
Muqdisho
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u codsatay in la Joojiyo hab-raaca isbaheysiga saxiibada caalamiga ah ee loo yaqaano C6+, iyadoo sabab uga dhigtay in uu si khaldan u muujinayo” in Soomaaliya weli ku jirto hoggaan siyaasadeed oo banannaka laga hago.