Saturday, July 27, 2024

Qurba joogta DDS oo maalgashaneysa beeraha

Jig-jiga (Dawan)- Qaa ka mid ah Qurba joogta Dowlad Deegaanaka Soomaalida ayaa billaabay in ay dib ugu soo laabtaan dhulkooda kuna sameeyaan maalgashi.

Ardo Cabdi Maxamed, waxa ka mid tahay Qurba joogta kasoo jeeda degmada Fiiq, waxayna qorsheyeneysa in ay degmada ka hirgeliso mashruuc dhanka Beeraha.

Beerta ay maalgashiga ku sameysay Ardo, ayaa lagu beerayaa nuucyada kala duwan ee miraha sida Galleeyda iyo Yaanyada.

Mashruuucaan waxaa la rajeenayaa in lasii ballaariyo sida ay sheegeen maamulka degmada.

Gudoomiyaha Degmada Fiiq, Nuur Xaashi oo Ardo usoo wakiilatay la socoshada mashruucaan ayaa qurba joogta kale ku dhiirigeliyay inay maalgashadaan degmada, isaga oo ballan qaaday in ay maamulka kala kulmi doonaan soo dhaweyn iyo wada shaqeyn hagar la’aan ah.  

Xafiiska Beeraha Degmada Fiiq ayaa dhankood beereladeyda degmada soo gaarsiiyay agabkii beeraleyda u sahli lahaa in ay si fudud abuur u samaystaan.

Shirkadda Abuurka Xulka Beeraha oo kaashanaysa Xafiiska Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa 11 kun oo kiintal oo abuurka xulka beeraha u kala dirtay dhamaadkii bishii hore degmooyinka Deegaanka ee helay roobabka Dayrta.

Abuurka tayaysan ee la gaarsiiyay degmooyinka leh wabiyada iyo kuwa uu ka da’ay roobka Dayrta ayaa isugu jira dalagyada kala ah Gallayda, Hadhuudhka, Sisinta, Shunburada iyo Digirta.

Maareeyaha Shirkada Abuurka Xulka Beeraha dowlad Deegaanka Soomaalida Cabdullaahi Muxumed Faarax ayaa sheegay in abuurka tayaysan ay ka faa’iidaysanayaan 83 degmo oo isugu jira kuwa roobka Dayrta hela iyo kuwa wax ku beerta waraabka.

Xafiiska Maalgelinta iyo Warshadaha dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa bishii September qabatay shirweynaha wadatashiga xukuumada iyo Qurbo-joogta kaas oo looga hadlay sidii ay Qurba- joogtu kaalinta kaga aadan uga qaadan lahayd fursadaha maalgashiga ee deegaanka ka bannaan iyo horumarada kala duwan ee ka socda deegaanka, iyada oo xoogga la saarayo qaybaha muhiimka ah sida waxbarashada, shaqo abuurka, beeraha, xoolaha, warshadaha iyo ka faa’iidaysiga soo saaridda khayraadka dabiiciga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here