Saturday, July 27, 2024

Dowladda oo ku dhawaaqday in dalku galay xaalad deg-deg ah

Muqdisho (Dawan)- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac ayaa ku dhawaaqay in dalku galay xaalad deg-deg kadib fatahaadii ku dhuftay Gobollo badan oo dalka ka mid ah.

Wasiirka ayaa go’aankaaan ka sheegay shir jaraa’iid oo ay si wada jir ugu qabteen isaga, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed, Maxamuud Macallin Cabdulle iyo wakiilo ka socda Culimada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxa uu xaqiijiyay in dadka ku dhintay fatahaada ka dhashay roobabkii ugu dambeeyay ay gaarayaan ilaa 31 qof.

Qaramada Midoobay waxay shaacisay in ay 10 milyan oo dollar u qoondeysay Sanduuqa Dhexe ee Gurmadka Degdegga ah ee Qaramada Midoobay, taas oo oogu talagalay ka hortagga dhibaatooyinka iyo wax ka qabashada baahiyaha bani’aadamnimo ee degd-egga ah.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA oo warbixin kaso saaray xaaladdii ugu dambeysay ee roobka ka da’aya qeybo badan oo Soomaaliya ah ayaa sheegay in, in ka badan 1.17 milyan oo qof ay saameeyn kasoo gaaratay daadadkii iyo fatahaadihii ka dhashay roobka.

Gobollada Gedo, Bay, Bakool, Jubbada Dhexe, iyo Hiirraan ayaa ah goobaha ugu badan oo ay ka da’een roobabkii ugu dambeeyay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here