Saturday, July 27, 2024

R/W Jabuuti oo ka qeyb galay shirka G77 iyo Shiinaha

Havana (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha  Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed  iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa magaalada Havana ee xarunta dalka Cuba uga qeyb galay shir madaxeedka dowladaha ku bahoobay isbaheysiga G 77 iyo dowladda Shiinaha.

Shirka waxaa furay Madaxweynaha Cuba, Miguel Diaz-Canel, waxaana goob jooga ka ahaa madaxda dowladaha xubinta ka ah isbaheysiga iyo wakiilo ka kala socda Ururada iyo Hay’adaha caalamiga ah.

Ra’iisul Wasaaaraha Jabuuti oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa sheegay in dhibaatoyiinka ka dhasha colaadaha, abaaraha, cudurada iyo isbeddelka cimiladu ay ka hor istaageen dowladaha soo koraya inay gaaraan horumarkii la hiigsanaayay.

Ra’iisul Wasaraaha ayaa ugu baaqay dowladaha ku jira isbaheysigaan inay muujiyaan midnimo, iskaashi iyo wax wada qabsi si loo yareeyo farqiga dhaqaale iyo horumarineed ee u dhaxeeya dowladaha horumaray iyo kuwa soo koraya.

Cabduqaadir Kaamil Maxamed, ayaa hoosta ka xarriiqay in ay lagama maarmaan tahay in caalamku yeesho nidaam dhaqaale oo loo simanyahay taasna lagu gaari karo in laga faa’iideysto Tiknoolijiyadda casriga ah sidoo kalena la dhiirri geliyo hal abuurka.

Shirkaan ayaa looga dooday sida looga gudbi karo caqabadaha heysta dowladaha soo koraya, iyada oo laga faa’iideysano Sayniska, Tikoolajiyada iyo hal-abuurka iyo sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ka dhasha Cudurada faafa, isbeddelka cimilada iyo colaadaha ka jira qeybo ballaan oo ka mid ah dowladaha xubinta ka ah isbaheysigaan.

Ra’iisul Wasaaraha Jabuuti, Cabduqaadir Kaamil Maxamed ayaa shir doceedyo la yeeshay qaar ka mid ah mas’uuliyiintii kasoo qeyb gashay shirka, isaga oo kala hadlay xoojinta iyo iskaashiga laba geesoodka ah si loo dardar geliyo ka mira dhalinta go’aanadi kasoo baxay shirka.

Dowladaha ku bahoobay isbaheysiga  G77 ayaa ah dowladaha soo koraya kuwaas oo iska kaashada horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga iyada oo la kaashanayo  Qaramada Midoobay.

Inkasta oo xubnaha dowladahaan gaarayaan 134 hadana waxey heytaan weli tirada dowladihii ugu horeeyay ee saxiixay ku biirista isbaheysigaan 1964, shirkooodi ugu horeeyay ee ka dhacay Geneva

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here