Saturday, December 2, 2023

Madaxweyne Xasan: Kaarka Aqoonsigu waxa uu udub dhaxaad u yahay amniga

Dhuusamareeb (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta qaatay kaarka Aqoonsiga daweynaha ayaa ka hadlay muhiimada aqoonsiga uu u leeyahay kobcinta amniga, sare u qaadida maamul wanaagga dowliga ah iyo ganacsiga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Kaarka Aqoonsigu udub dhaxaad u yahay sugidda amniga sidaa darteedna ay lagama maarmaan u tahay xilligaan in muwaadin kasta si deg-deg ah u qaato.

“Nolosha casriga ah ee qarniga 21-aad lagama maarmo Kaarka Aqoonsiga ee aan dhammaanteen u soo deg-degno inaan aqoonsi yeelano” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Kaarka Aqoonsigu fure u yahahy adeegyada Caafimaadka, Waxbarashada, Ganacsiga iyo dhammaan macaamilka muwaadiinka laga billaabo maalinta uu dhasho ilaa laga gaaro maalinta u dhimanayo.

Madaxweyne Xasan ayaa faray Hay’adda ku shaqada leh bixinta Kaarka Aqoonsiga in ay ballaariso goobaha ay muwaadiniintu ka heli karaan Kaarka, isaga oo ku bogaadiyay hirgelinta Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan gelinta dadweynaha.

Madaxweyanaha ayaa sidoo kale u mahadceliyay dowaldda Pakistan oo ka caawsay Soomaaliya in la hirgeliyo Kaarka Aqoonsiga, isaga oo shegay in Pakistan ku garab istaagtay Soomaaliya aqoon, maal, qalab iyo farsamo.

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta daah-furay barnaamijka qaadashada Kaarka Aqoonsiga iyo Diiwaan-gelinta Dadweynaha, oo lagu beegay maalinta Caalamiga ah ee Aqoonsiga Dadweynaha ee 16-ka Sebtembar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in aqoonsiga Qaran uu xal u yahay caqabado badan oo haysta bulshadeenna, kuwaasi oo ay kamid yihiin, amniga, bixinta adeegyada, dimuqraadiyeynta, doorashooyinka, maalgashiga, isu socodka iyo dammaanadda qofeed ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here