Saturday, July 27, 2024

R/W Xamsa: Teendho dambe Soomaaliya la iskuma dooranayo

Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Somaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa si cad u sheegay in doorashada Soomaaliya ee soo socota in aysan noqon doonin mid dadban oo lagu galo Teendhada Afisyone ee Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka in ay u diyaar garoobaan doorasho toos ah oo ay dadku dooranayaan madaxdooda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hadalkaan ka sheegay daahfurka geeddi socodka hirgelinta hannaanka dhab-u-heshiin Qaran ee maanta laga furay magaalada Muqdisho, kaas oo ay soo abaabushay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta.

Xamsa ayaa yiri, ” Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, runta ayaan sheegeynaa, way noo caddahay, waan ku shaqeynaynaa, teendho dambe Soomaali la iskuma dooranayo”

Ra’iisul wasaaraha ayaa intaas raaciyay in lagula xisaabtami doono in aysan markale dadka Soomaaliyeed u celinin doorasho ka dhacda teendhada.

Mar uu ka hadlaayay sida ay dalka uga dhici karto doorasho toos ah ayuu sheegay Xamse in horumar laga sameeyay dhinacyo badan sida dhameystirka Dastuurka iyo heshiisyadii ugu dambeeyay ee kasoo baxay Goalaha Wadatashiga Qaran, isaga oo sheegay in ay hareen laba qodob oo mdi laga rabo xukuumadda midka kalna laga sugaayo siyaasiyiinta dooneysa in ay dalka hoggaamiso.

Qodobka laga rabo xukuumadda ayuu ku sheegay inuu yahay cirib tirka kooxda Al-Shabaab iyo damaanad qaadka amniga guud ee dalka si looga codeeyo deegaan kasta.

Dhanka kale, waxa uu siyaasiyiinta ugu yeeray in ay u diyaar garoobaan in ay sameystaan xisbiyo siyaasadeed si ay shacabka ula hortagaan qorshaha ay doonayaan in ay dalka ku hoggaamiyaan.

Hadalka Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujinaya go’aanka xukuumadda ee ku aaddan ka mira dhalinta isbeddelkii lagu sameeyay qodobada ugu horeeya Dastuurka iyo heshiiskii Golaha wadatashiga Qaran ee ay Puntland qaadactay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here