Saturday, July 27, 2024

Wasaaradda waxbarashada oo ku dhawaaqday sannadka asaasiga ah ee Jaamacadaha

Muqdisho (Dawan)-Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ardayda dhameysata dugsiga sare la maarsiin doon hal sano oo asaasi ah ka hor inta aysan billaabin kulliyadda lagaba billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024.

“Wasaaradda Waxbarashada waxa ay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah” ayaa lagu yiri, bayaan kasoo baxay wasaaradda.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah, ay ka mid yihiin Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska, Daraasaadka Islaamka, Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed.

Wasaaradda waxbarashada ayaa kaashan doonta khubaradka jaamacadaha   Soomaaliyeed si loo diyaariyo manhajka sannadka waxbarashada asaasiga ee heerka jaamacadeed.

Wasaaradda ayaa  sidoo kale sheegtay in go’aankaan loo qaatay si ardayda Soomaaliyeed u helaan aqoon tayo leh, lana aqoonsanyahay taas oo xallisa mushaakilaadka ay wajahan dhallinyarada kusoo barbaaray duruufaha adag ee dalka ka jira.

Wasaaraada waxbarashada Soomaaliya ayaa qabatay bishii Maarso shir-weyne qaran kaas oo looga hadlaayay sida loo tayayn karo waxbarashada dalka, waxeyna soo jeediyeen aqoonyahanadi kasoo qeyb galay talooyin badan oo lagama maarmaan u ah waxbarashada qeybaheeda kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here