Saturday, July 27, 2024

Ra’iisul wasare Xamsa oo si diirran loogu soo dhaweeyay Qatar

Qatar (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa si diirran galabta loogu soo dhaweeyay magaalada Doha ee dalka Qatar.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaare Xamsa oo casuumaad ka helay dhiggiisa Qatar, Shiikh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Al-Thaani ayaa isaga iyo wafdigiisa waxa booqasho 3 maalmood oo rasmi ah ay ku joogi doonaan dalka Qatar, isaga oo kala hadli doona madaxda Qatar xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar”

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale la kulmi doona ganacsata dalka Qatar si ay ugala hadlaan maalgashiga Soomaaliya, waxaana la qorsheynaya in labada dal ay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bishii May ee lasoo dhaafay booqasho ku tagay Qatar, halkaas uu kula kulmay Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Xamad Al-Thani, iyagoo ka wada hadley iskaashiga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dal.

Dowladda Qatar ayaa ku guulaysatay bishii May 2021, dhex-dhexaadinta dib u soo celinta xiriiirkii Soomaaliya iyo Kenya, oo xilligaas mugdi soo kala dhax gelay.

Dowladda Qatar waxay kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here