Monday, April 15, 2024

Mudane Madaxweyne talooyin walaalnimo (Aragti)

Muqdishu (Dawan)-Waxay Soomaalidu ku maahmaahdaa ” IMAAM ADEERKIIS AYAA RUNTA U SHEEGA”
Hadii dadka kale ay Imaamka xantaan, oo ay ka haybeystaan, inta aan Imaamka maradu ka dhicin, Adeerkiis ayaa runta gacanta ka saara oo dadka ka qabta, kuna yiraahd ” Imaam, waxaas iyo waxaas ka joog jid uma lihide“.
Waxaa kale oo la yiraahdaa, hadii qof laga yaabo oo loo caal waayo: WAR QOFKAAS YAA GACAN QABADKIISA ISKA LEH? Inta aan go’aan laga qaadan.
Hadda waa in aan kugula dhiiradaa waxyaabaha aysan dadka kale kugula dhiiran karin, hayeeshee, ay kugu xantaan, waayo waxa aan ahay INA ADEERKAA oo maalin walba loo soo cabanayo.

Haddii anigu aan kugu dhiiran waayana, waxa aan u ekaanaya nin INA ADEERNIMADI ka been sheegay, ama NIN LA II YAQAAN, hayeeshee, ASAGU AAN I A AQOONIN!
Intaas marka lagu sii daro. in danaha dalka iyo dadku ay dhexda noo yaalaan, oo ay dhammaanteen naga weynyihiin, qofna aan marti looga ahayn.

Qofkii talo u muuqata ka aamusana uu KHAA’IN yahay, daneyste ah.
Intaa waxaa dheer, oo aanan marnaba moogayn, in hadalka xanafta leh aan madaxdu jeclayn, waayo, Guul-Wadayaasha ayaa been baray.
Horayna waadigii u yiri: sacabka iyo heesta naga yareeya, yaanan ku dhumine.
Hal sano iyo bar waa soo guul-wadeeynay annaga oo is leh Odaygu waa cusubyahaye bal ha loo kaadiyo.
Guul-Wadayntuna dhaqan GOBEED ma aha, Alaha naga cafiyee!
● Sh. Shaafici ayaa laga soo sheegay in uu yiri:
تَموتُ الأُسدُ في الغاباتِ جوعاً☆وَلَحمُ الضَأنِ تَأكُلُهُ الكِلابُ
Dadkii ayuu laba u qaybiyay:

  1. Kuwa runta sheega oo uu ku tilmaamay in ay LIBAAXYADA la mid yihiin. Sidaas darteed runtoodii awgeed, ayay baahi hawdka ugu dhinteen, ileen, LIBAAX guul-wadeyn uma sameysna, manaba isku dayi karee.
  2. Kuwii Guul-Wadeeyayna waxa uu ku tilmaamay in ay EEYAHA la mid yihiin oo ay hilib idaad ka dhergeen, waayo, eeyaha waa leyska adeegsadaa oo ayagu wax ma diidaan.
    Alaw kuu naxariiso. Murtidiisu weligeed ma duugoobi doonto.
    Weli inta aan soo joogay ma arag qof DAMIIRKIISU noolyahay, wax uga qaraar Guul-Wadayn.
    Hal sano iyo bar ku filan in aan qiimayno hab-dhaqankaaga iyo wax-qabadkaaga.
    Wixii aad wanaajisay waa ku mahadsantahay.
    In aragtida qofku uu qabo uusan la gambana, adigaaba marqaati u ah, waayo, adiga oo Madaxweyne soo ahaay, maamuus dhaqaale iyo mid siyaasadeena lagu siiyay ayaad aamusi wayday oo aad weliba JABHADAYSAY xilliyadii aad banaanka joogtay, waana ku mahadsaneed, oo eed kuma lahayn, waxyaabaha qaar haba kaa xumaadaanee.
    Sidaas awgeed, in lagu dhaliilo, sida aan filayo, la yaabi maysid.
    Isbahaysigaagii: Waxa aan hal hal ula fariistay madadxdii kuu hiilisay ee codka ku siisay, ee ay ahayd in aad dowlad wadaag ah aad wada dhisataan, sida aduunyada oo dhanba ka jirta.
    Waxa aad ahayd qofka seddaxaad, marka is-bahaysigii ka soo qaaday hoos, waxa ay kaa mudnaayeen in ay talada kula yeeshaan.
    Ma dhicin Sooyaalka Siyaasadda Soomaaliya in qof seddax galay Madaxweyne dalka ka naqdo.
    Is-bahaysigaagii – haba iska af-gobaadsadaanee – dhammaantood cunaha ayaa wada go’an.
    Madaxda Puntland ayaan la fariistay, waxa ay dareemayaan in laga tashaday, loolana dhaqmay qaab aysan mudnayn.
    Waxaa arinka sii murjiyay rag AF-MIINSHAARA ah oo kugu hareeraysan oo qaab beeleysan ugu hadaaqaya: Puntland CASHAR ayaan u dhignay!
    Ma qabo in Puntland qaabkaas loola dhaqmo ay mudantahay, weliba adiga oo aad is-bahaysi ku wada jirteen kaa mudantahay.
    ●Laas Caanood: Waxaa hadaladiina ka batay wax u eg: Cali-na gar leh, Caydiid-na gar leh. Hadalkaas gurrucana waxa uu ahaa kii isku keen dhameeyay 1991-kii. Wuxuuna sal dhig u u ahaay colaadaha naga dhamaa waayay, dadkana leyskuma laayo.
    Ma mudnayn, dad MIDNIMADA u dhimanaya iyo qolo gooni u goosata ah in si isku mid ah loola dhaqmo.
    ● Argagixisada: Argagixisa la dagaalanka waa lagu midaysanyahay, waana lawada taageersanyahay, hayeeshee, qofkii dhaliil ka keena waxyaabaha qaar in lagu tiimbireeyo waa argagixisa-kalkaal waxa ay na xasuusinaysaa dhaqan kaligii taliye, waayo dagaalka dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa ku wada jira ee koox gaar ah kuma jirto.
    Hab-dhaqankaasina waxa uu kala jibinayaa bulshada ku midaysan argagixisa la dagaalanka.
    ●Culumada Suufiyada: Dagaalka dadka koobaad ee ay ahayd in loo kaashado, maadaama ARGAGIXISADU ay magac diimeed wax ku burburinayaan waxa ugu sii mudnaa Jikooyinka iyo Culumada Suufiyada.
    Hayeeshee, ma aqaano sida xaalkoodu yahay, kadib murunkii iyo cabashadii ay ka qabeen Wasaaradda Arrimaha Diinta.
    Haddii Jikooyinka iyo Culumada Suufiyada aan laga maarmayn ha lagu raadiyo qaab qaababkii hore ka duwan, albaabkana ha laga soo galo oo yaan dariishadaha laga soo gelin.
    ●Waxgaradka Gobolka Banaadir: Waxgaradka Gobalka Banaadir hadii loo baahanyahay oo aan laga maarmin yaan hawdka la sii wada geline, ha laga war qabo.
    ●Dagaalka inta uu MASHRUUC u yahay iyo inta igu SAWIR ugu jirta iyo inta daacad ugu jirtana ayagana aan kala saarno.
    Qola kula joogta oo ku jalaafaynaysana warkoodu waa badanyahay waa tii horay loo yiri:
    Baadida ninbaa kula deydeya, daalna kaa badane
    Oon doonahayn inaad heshana, daayin abidkaaye

    Dad badan oo dhallin-yara u badan waxa ay u heystaan in dagaalka ARGAGIXISADU uu hadda billaawday, hayeeshee, waxa aan xasuusin lahaa: in 2006-dii Madaxweyne C/Laahi Yuusuf Baydhaba lagu qarxiyay, oo Cali Geedi Xamar seddax jeer lagu qarxiyay oo ay argagixisada xilligaas la dagaalamayeen.
    ●Sidaas oo kale, Madaxweyne Sh. Shariif ayaa si kulul argagixisada ula soo dagaalamay.
    Waana la wada xasuustaa Hotel Shaamow, Tiyaatarka Qaranka iyo gooba kale oo fara badan oo aan la soo koobi karin wixii ay ka sameeyeen argagixisadu xilligii Sh. Shariif iyo guulihii xilligaas la soo hooyay la dagaalanka argagixisada.
    Tan iyo maalintaas dagaalku waa soo socday.
    Marka dagaalka ARGAGIXISADU maanta ma billaaban, ee dhalinyaradu sidaas ha ula socdaano.
    ●Furumaha dagaalka: Mudane Madaxweyne, furimaha in aad tagtay wax badan waa ku mahadsantahay, dhiiranaan iyo naftii-huranimo ayaad muujisay, waana wax ku haboon in lagaaga daysado.
    ●Dibadda: Dibadda in aad wax badan aadayna waa aragnay, hayeeshee, furimaha iyo dibadda midna lagaama soo dooran ee waxaa ku soo doortay Xildhibaanada labada gole.
    Hadii aad is waydaana dhib badan ayaa ka imaan kara ee waqtigaaga waa in aad u qaybisaa hawlaha dalka.
    ●Dib u heshiisiin: Argagixisadu waxa ay dalkeena uga dhamaa la’dahay waxaa ka mid ah in tabashooyin fara badan ay jiraan, marka dagaalka xabbada kaliya yaanan ku ekaane, aan xikmad iyo dib u heshiisiin ku kabno.
    Hadalkii Boqor Buur Madoobe-na waa la wada xasuustaa. Hadalkaasina waxana uu ahaa hadal culus oo aan la siin mudnaantiisii. Waxa ay ahayd in hadalkaasi dood qaran oo weliba dhiirran laga furo.
    ●Banaadir State: Hadda ka hor waxaa Banaadir State la dhisay 2008, ayada oo xabbadu ka socoto Madaxtooyada afaafkeeda. Ma aqaano maanta waxa naga hor taagan, ayada oo Banaadir ay doorasho ama xulasho tii la doono laga sameyn karo.
    Waxaa la sheegaa in Madaxweyne C/Rashiid uu 1964-kii uu yiri: GACANA WAA KU DAGAALAMAYNAA, GACANA DOORASHO AYAAN KU GELAYNAA.
    Wax badana waad ka hadashay in ay Banaadir State ay ahayd QABYADII kuu harsaneed inti aad bannaanka joogtay.
    Marka maxaa diidan in aan gacan ku dagaalano, gacana Banaadir State ku dhisno?
    ●HirShabeele: HirShabeele dhibaata culus ayaa ka taagan, horayna waa uga soo taagneed.
    Mudane Madaxweyne, ha soo ballan qaadin waxyaabo caddaalad darra ah, waxaana ugu wayn:
    In aad hal BEEL u soo xirto madaxtinimada HirShabeele, sidi dhacday 2016 oo kale.
    Mudane Madaxweyne ha yeelin.
    ●Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa: QOF KALIGII GARRAMAY IYO QOF DHULKA GEMAY LABADUBA MA GEFAAN.
    Mudane Madaxweyne wax aadan iska himlin dhabarka ha soo saaranin.
    Arrin aan labada gobol waxgaradkoodu isla falanqayn, oo isla ruugina ha soo qaadin.
    Dadka codka dheer in wax walba la siiyo xal ma aha.
    Dad kaligood garramay yaysan ku soo caadifaynin.
    Ha uga sii derin Mudane Madaxweyne.
    ● Arrinka Musuqa: Arrinka musuqa xilligiisi ma aha, waayo, dagaal ayaa lagu jiraa, musuquna maanta iyo shalay ma billaaban, waxaana u sabab ah colaadaha daba dheeraaday, baahida dadka haysa, shaqa la’aanta iyo waxyaaba kale oo badan. Wuxuuna arrinka musuqu naga weeciyay la dagaalankii argagixisada, bulshadiina waa kala jabtay. Dad badan oo dagaalka wax ka taray, kana sii tari lahaayna waa ku waynay.
    Taas marka lagu daro: in qaabka loo galay uu u egyahay: NIRGUXU WAA XAARAAN, GEELII DHLAYNA WAA XALAAL!
    Ugu dambayn: Mudane Madaxweyne, qoraalkaan waa billaawga cabashooyinka suuqa yaala qayb ka mid ah, kuwaas oo aan uruurinayay mudda hal sano iyo bar ah.
    Mar haddii adiga in lagu helo ay adkaatay, wixi suuqa aan kala kulano waa in aan kuu soo gudbinaa aniga oo wata derejada ah MAXWENAHA INA ADEERKIIS.
    Qofkii tala iyo toosin wadana waa in la dhegeysto ee waa daba dhilif iyo waa Shabaab-Kalkaal yaan lagula ordin.
    Af-Miinshaarada qaarkood oo kugu hareeraysana yaysan ku marin habaabinin, oo yaysan bulshada iyo adiga idin kala xirin, oo yaysan dhega iyo indha kuu naqan, sida KURSHADA xoolaha seexisa oo kale ee dhiiga ka miirata.
    Waana mahadsantahay.
    W.Q. Xasan Xundubey Jimcaale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here