Saturday, July 27, 2024

Safiirkii ugu horeeyay ee Sacuudiga oo gaaray Falastiin

Falastiin (Dawan)- Safiirkii ugu horeeyay ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya u magacaawdo Falastiin ayaa maanta oo talaada ah booqasho rasmi ah ku tagay Daanta Galbeed, isagoo la kulmi doona Madaxweyne Maxamuud Cabaas.

Safiir Nayf Bin Bandar ayaa qorsheynaya inuu kulamo kala duwan la yeesho wasiirka arrimaha dibadda, Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Falastiin si loo billaabo qorshaha lagu xoojinayo xiriirka Sacuudiga iyo Falastiin.

Safiirka oo fadhigiisu yahay dalka Urdan ayaa laba maalin joogi doona Falastiin, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Falastiin.

13-kii Agoosto, Wakaalladda Wararka Sacuudiga ayaa sheegtay in Boqortooyada Sacuudigu u magacawday Falastiin safiir iyo qunsulka guud ee magaalada Qudus.

Safiirkaan Sacuudiga ayaa hore u guddoonsiiyay warqadihiisa aqoonsiga La-taliyaha Madaxweynaha Falastiin ee Arrimaha Diblomaasiyadda Majdi Al-Khaalidi, munaasabad ka dhacday xarunta safaaradda Falastiin ee dalka Urdun.

Waa markii ugu horreysay oo Sacuudi Carabiya ay safiir u soo magacaawdo Falastiin, inkasta oo Sacuudigu ku lahaan jiray Qunsuliyad guud magaalada Quddus , balse la xiray markii ay Israa’iil qabsatay magaalada 1967-di.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here