Sunday, May 19, 2024

Shirka maareynta hubka iyo walxaha qarxa oo Muqdisho laga furay

Muqdisho (Dawan)- Maanta magaalada  Muqdisho waxa laga furay shir-weynaha qaran ee maareynta hubka, rasaasta iyo walxaha qarxa oo ay soo agaasintay wasaaradda Gaashaandhigga ee Soomaaliya.

Shirka waxaa daah furay wasiir ku-xigeenka wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya, Cabdifitaax Qaasim, iyada oo ay goob joog ahaayen mas’uuliyiiin ka socday dowlada federaalka, iyo dowlad Goboleedyada.

Wakiilo ka  kala socda Ingriiska , Turkiga, Midowga Yurub  iyo Howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee ATMIS ayaa sidoo kale kasoo qayb galay shirka oo diiradda lagu saarao qorshaha ay Soomaaliya ku dooneyso in ay ku xakameyso hubka.

Shirka oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo ay qabato dowladda Soomaaliya tan iyo markii laga qaaday cunaqabateyntii hubka ayaa socon doona muddo laba maalin ah.

Go’aankii Golaha Ammaanka ee Soomaaliya looga qaaday cunqabateynta hubka

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhamaadkii sannadkii tegay soo saaray go’aan Soomaaliya looga qaaday xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

14 dowladood ayaa oggolaatay qaraarka Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka, halka Faransa oo kaliya ay ka aamustay.

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso awooda iyo hubka ciidamadeeda dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, iyada oo la billaabay in qeyb ahaan laga qaado sannadkii 2013-ki

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hore u sheegay in cunqabateynta dalka laga qaaaday ay la micno tahay in dowlada Soomaaliya loo qiray in ay leedahay awood ay ku xakameyso hubka.

Somaliland iyo ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Somaliland ayaa ka hor timid go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii huba looga qaaday Soomaaliya, iyada oo walaac xooggan ka muujisay cawaaqibta ka dhalan karta go’aankaas.

Bayaan kasoo baxay xilligaas Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu muujiyay sida ay Somaliland uga soo horjeeddo go’aanka Qaramada Midoobay, waxaana lagu sheegay in dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay in ay ku naf waayeen in ka badan 200,000 oo kasoo jeeda Somaliland.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992)” ayaa lagu yiri, bayaanka.

Somaliland ayaa caddeysay in ay aminsantahay in qaadista cunaqabtaynta hubka ee Soomaaliya ay halis ku tahay gobolka geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here