Saturday, July 27, 2024

Shehbaz Shariif oo loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan

Islamabad (Dawan)- Guddoomiyaha Baarlamaanka Pakistan, Sardar Ayaz Sadiiq, ayaa ku dhawaaqay in hoggaamiyaha Xisbiga Dalladda Islaamiga, Shehbaz Shariif loo doortay markii labaad inuu noqdo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas.

Sadiiq ayaa bayaan uu maanta oo Axad ah soo saaray ku sheegay in Shariif loo doortay Ra’iisal Wasaare kadib markii uu helay 201 cod, halka 92 Xldhibaan ay u codeeyeen Cumar Ayuub Khan, oo uu taageersan yahay Ra’iisal Wasaarihii hore ee Imran Khan.

Shehbaz Shariif, oo ah walaalka ka yar Nawaz Sharif oo xilkaan soo qabtay saddex jeer, ayaa lagu wadaa in maanlinta Isniinta ah loo dhaariyo xilka muddo shan sano ah.

Fadhiga Baarlamaanka waxaa hareeyay buuq iyo gacan ka hadal dhax maray Xildhibaanada taageersan Xisbigii Imran Khan iyo kuwa kasoo horjeeda.

Doorashada Shariif ayaa ku timid heshiis ay gaareen 5 Xisbi oo kala qeybsan doona xilalaka Wasaaradaha iyo hay’adaha kaal duwan ee Pakistan oo dhan.

Shehbaz Shariif waa madaxa Xisbiga Dalladda Islaamiga, wuxuuna horay u soo noqday madaxa xukuumadda kadib markii uu Baarlamaankii hore kalsoonida kala noqday Ra’iisul Wasaarihii hore ee Imran Khan muddo haatan laga joogo laba sano.

Shariif ayaa ku soo laaban doona xilka uu hayay ilaa bishii August ee la soo dhaafay, markaasoo la kala diray Baarlamaanka ka hor inta aan la gaarin doorashada, isla markaana ay xilka la wareegtay Xukuumad xil gaarsiin ah.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ayaa balan qaaday in Xukuumaddiisu ay ku dadaali doonto sidii ay wax uga qaban lahayd xaalada dhaqaale sidoo kalena aysan ka aargoosan doonin dadka kasoo horjeeda.

Doorashadii ugu dambeysay ee ka dhacday dalkaas, Musharrixiinta madax bannaan ee taageersan Ra’iisul Wasaarihii hore Cimraan Khan ayaa kaalinta kowaad ka galay kadib markii ay heleen 101 kursi oo ka mid ah kuraasta guud ee Baarlamaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here