Saturday, July 27, 2024

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Indonesia

Jakarta (Dawan)- Ugu yaraan 11 qof oo ay badan yihiin arday ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay galbeedka Indonesia, sida laga soo xigtay Boliiska dalkaas.

Afhayeen u hadlay Boliiska ayaa sheegay in Bas ay saarnaayeen arday uu fariinka goostay kadibna uu ku dhacay dhowr gaari iyo mootooyin, iyada oo ay ku dhinteen 11 qof kuna dhaawacmeen toboneeyo kale.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa 9 arday ah, hal macallin iyo wadihii Baska.

Sida uu Boliisku sheegay, 53 qof oo kale ayaa dhaawac kasoo gaaray shilka, waxaana ku jira dad xaaladoodu aad u liidato.

Shilalka waddooyinka ayaa ku badan Indonesia, iyada oo loo sababaeynayo dhismaha waddooyinka oo liita iyo wadayaasha gawaarida oo aan isa saarin mas’uuliyad wayn.

Bishii April ee la soo dhaafay, ugu yaraan 12 qof ayaa ku geeriyootay, labo kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii ay isku dhaceen Bas iyo labo gaari oo kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here