Saturday, July 27, 2024

Shil sababy dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Boliiska Kenya ayaa xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib shil ka dhacay waddada wayn ee isku xirta Ismaamullada Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan Magaalada Taru oo ka tirsan Ismaamulka Kwale.

Boliiska ayaa sidoo kale sheegay in dhawaacyo culus ay soo gaareen 20 qof oo ay ku jiraan laba caruur ah kuwaas oo loola cararay Isbitaal ku yaal deegaanka Samburu ee Ismaamulka Kwale.

Shilka ayaa u dhexeeyay mid ka mid ah basaska shirkadda MASH POA iyo baabuur ah nooca Mercedes Benz.

Boliiska ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in wadaha baabuurka Mercedes Benz-ka uu ku guul dareystay inuu isticmaalo dhanka waddada ee habboon taas oo baska ku qasabtay inuu waddada ka baxo.

Meydadka labada qof ee shilka ku dhintay ayaa la dhigay qaybta meydadka ee isbitaalka degmada Kinango.

Bayaanka Boliiska Kenya ayaa mar kale lagu faray gaadiidleyda in ay u hoggaansamaan
xeerarka waaxda taraafikada si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.

17-ka December ayay ahayd markii afar qof ku dhimatay sagaal kalena ay dhaawacmeen shil gaari oo ka dhacay wadada isku xirta Eldoret iyo Nakurusi gaar ahaan aagga loo yaqaano Hill Tea.

Dhwor jeer laamaha Dowladda Kenya ee qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa soo saaray awaamir iyo digniino lagu xakamayanayo shilalka sida is daba joog ah uga dhaca dalkaas balse weli laguma guuleysan in arrintaas xal loo helo.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here