Saturday, July 27, 2024

Sirdoonka Itoobiya oo sheegay inuu fashiliyay koox qorsheyneysay afgembi

Addis Ababa (Dawan)- Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban kuwa amniga iyo sirdoonka Itoobiya ayaa soo xiray 50 qof oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen afgembi ka dhan ah dowladda uu hoggaamiyo Abiy Axmed.

Qoraal kasoo baxay ciidamadan isku dhafka ah ayaa lagu sheegay in kooxda la qabtay ay dooneysay in ay falal ka dhan ah amniga ka fuliyaan caasimadda Addis Ababa iyo deegaanada xuduudka la leh ee gobolka Oromia.

Sida lagu sheegay qoraalka, kooxdan qarsoodiga ah ayaa waxay ka hawlgalaysay saldhigyo ku yaala Addis Ababa iyo Menjar Shenkora oo ku taal Waqooyiga Shoa ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ay ku tababareen ciidamo gaar ah oo hubaysan.

Warka ayaa intaas ku daraya in xiriir wada shaqeyn uu ka dhaxeeyay kooxdan iyo aqaar ka mid ah ardayda kaniisadda Orthodox ee Itoobiya, isla markaana ay xarumaha kaniisadaha ka dhiganayeen xarumo lagu qabto hawlo qarsoodi ah.

Qabashada kooxdan ayaa timid kadib muddo shan bilood ah oo ay laamaha amniga iyo sirdoonku ku daba jireen, waxaana sidoo kale gacanta lagu soo dhigay hub kala duwan, qalab isgaarsiin, lacago dowlado kale iyo Dukumentiyo .

50-ka qof ee la soo xiray, waxaa ka mid ah, Nigatu Gebreyesus, oo sidoo kale loo yaqaan Abraham, waxaana lagu sheegay inuu yahay hoggaamiyaha kooxda.

Waxaa kale oo kooxda ka mid ah Fasil Getachew iyo Tewolde Birhan, oo kooxda u qaabilsanaa dhanka dhaqaalaha, saadka, iyo abaabulka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here