Saturday, July 27, 2024

Biixi iyo Cirro oo ku heshiiyay aqbalaadda natiijada doorashooyinka soo socda

Hargeysa (Dawan)- Kulan uu garwadeyn ka ahaa madaxweynihii hore ee Somaliland, Daahir Rayaale Kaahin una dhaxeeyay Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay madaxtooyada Somaliland.

Ujeedada kulanka ayaa ahayd sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen habsi sami u qabashada doorashooyinka soo socda, waxaana laga soo saaray qodobada soo socda;

1. In meel looga soo wada jeesado cadawga Somaliland, lagana wada shaqeeyo Difaaca Qaranka.

2. Arrimaha Doorashooyinka;

a) In ololaha doorashooyinka lagu galo si bilaa turxaan ah.

b) In natiijada ka soo baxda tartanka doorashooyinka loo hoggaansamo oo ay aqbalaan Xisbiyada Qaranku.

c) In saddexda cisho ee soo socda ay xisbiyada qaranku kulamo qabsadaan, si ay u sii anba qaadan una lafo-guraan qodobadan hirgelintooda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa horraantii bishaan March saxiixay wax ka bedelka xeerka guud ee doorashooyinka iyo diiwan gelinta codbixinta iyo xeerka nidaamka ururada iyo asxaabta siyaasadda, kadib marii ay anixiyeen Golayaasha Wakiilada iyo Guurtida.

Guddiga dhex-dhexaadinta ee khilaafka doorashooyinka ayaa hore usoo jeediyay in hal mar lawada qabto doorashada Madaxweynaha iyo furista xisbiyada, oo markii hore sababtay khilaaf siyaadeed oo soo kala dhex galay  xukuumadda iyo xisbayada mucaaradka ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here