Saturday, July 27, 2024

Siyaasi ka tirsan jabhadda mucaaradka ah ee Oromada oo la dilay

Addis Ababa (Dawan)- Gelinkii dambe ee Arbacada (shalay) maamulka gobolka Oromada ayaa soo saaray bayaan lagu cambaaraynayo dilka Bate Urgessa oo ahaa siyaasi ka tirsanaa jabhadda mucaaradka ah ee Oromada.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in Bate lagu dilay magaalada Meki, iyada oo maamulka Oramadu ku tilmaamay falkaas mid aan la aqbali karin.

Dhanka kale, kooxda hubaysan ee Oromo Liberation Army (OLA) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Ciidamada dowladdu ay hoygiisa kala baxeen Urgessa saqdii dhexe ee talaadada kadibna ay ku toogteen meel u dhaw hoygiisa.

Jabhadda ayaa sidoo kale ku eedeeysay ciidamada dowladda in ay diideen in maydka la qaado, si baaritaano loogu sameeyo.

qof ka tirsan qoyska siyaasiga la dilay ayaa u sheegtay warbaahinta in dhowr qof oo u eg ciidamada ammaanka ee dowladda in ay Bate kala baxeen qolkii uu ka deganaa hotel saqdii dhexe ee Talaadadii, iyada oo meydkiisana subaxdii dambe laga helay waddo ah uu dhaw hotelkii.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Itoobiya (EHRC) ayaa ku baaqday in si degdeg ah oo dhexdhexaad ah baaritaan buuxa loogu sameeyo dilka ninka siyaasiga ah si loola xisaabtamo dembiilayaasha.

Jabhadda mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF) ayaa cambaareysay dilka loo geystay sarkaalkooda dhanka siyaasaddda , Bate Urgessa, waxeyna ku tilmaantay inuu ahaa nin geesi ah kuna caan baxay aftahnimo iyo naf hurnimo.

Senator Ben Cardin oo ah Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Dibadda ee Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa ku baaqay in si dhexdhexaad ah loo baaro dilkii dhawaan loo geystay Bate Urgessa, oo ahaa sarkaal siyaasadeed oo ka tirsan jabhadda mucaaradka ah ee Oromo Liberation Front (OLF).

Bayaan uu soo saaray Arbacadii, ayuu Cardin tacsi ugu diray qoyska Bate wuxuuna ku boorriyay mas’uuliyiinta Itoobiya inay u oggolaadaan hay’adaha caalamiga ee madax-bannaan inay si fiican u baaraan dilka Bate.

“Dilka Bate Urgessa ee dhacay habeenimadii Talaadada waxa uu ahaa mid naxdin leh oo laga xumaado. Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskiisa , aniga oo ku boorrinayaa mas’uuliyiinta Itoobiya inay oggolaadaan hay’ad caalami ah oo lagu kalsoonaan karo oo dhexdhexaad ah inay baaritaan dhab ah ku sameyso dhimashada Bate,” Cardin ayaa tiri.

Senatarku waxa uu dhaleeceeyay tillaabooyinka dowladda Itoobiya ee ka dhanka ah siyaasiyiinta mucaaradka ah iyo howlwadeenada warbaahinta, isaga oo tilmaamay in tillaabooyinkaas ay qayb ka qaateen amni-darrada iyo xasilloonida dalka.

“Dilalka sharci darrada ah iyo caburinta siyaasiyiinta ayaa muddo aad u dheer, wax caadi ah ka ahaa Oromiya. Taliska Abiy wuxuu hoos u dhigay kaalintii mucaaradka iyo warbaahinta guud ahaan Itoobiya. Arrintaas ayaana sababtay amni darada baahsan iyo xasilooni darradda ka jirta dalka” ayuu yiri, Senator Ben Cardin

Senator Cardin ayaa intaas raaciyay ” Waxaa la joogaa xilligii lala xisaabtami lahaa kuwa mas’uuliyiinta ah ee ku xadgudbay siyaasiyiinta mucaaradka”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here