Hargeysa (Dawan) – Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Somaliland ayaa ku amartay shirkadaha isgaarsiinta inay dib u eegaan isbeddelada adeegyada ay dhawaan sameeyeen, oo ay ku jiraan kordhinta qiimaha internet-ka, kaddib kulan degdeg ah oo lala yeeshay shirkadaha Telesom, Somtel iyo Soltelco.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kulanka uu iskugu keenay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda, wakiillo ka socday shirkadahaas iyo daneeyayaal kale, si looga doodo cabashooyinka bulshada ee ku saabsan isbeddellada adeegyada. War-saxaafadeed ku taariikhaysan 9 Agoosto 2025 oo la soo saaray kulanka kaddib ayaa lagu sheegay in shirkadaha isgaarsiinta lagu amray inay dib u eegaan isbeddellada ay ku sameeyeen adeegyada isgaarsiinta.
“Shirkadaha isgaadhsiinta waxaa lagu amray inay dib u eegaan isbeddellada ay ku sameeyeen adeegyada isgaadhsiinta,” ayaa lagu yiri bayaanka. Waxa kale oo lagu sheegay in la dhisi doono guddi farsamo oo ka kooban wakiillo ka socda shirkadaha iyo wasaaradda si loo baaro sababaha keenay isbeddellada.
Bayaanku wuxuu sidoo kale ku boorriyay shacabka inay ilaaliyaan nabadda iyo kala dambeynta Somaliland, kana fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara amniga, isagoo digniin u diray cid kasta oo ku hawlan kicin ama abaabul wax u dhimaya nabadgelyada guud.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii shirkadaha Telesom iyo Somtel ay kordhiyeen qiimaha adeegyada, sida xogtooda adeegyada ay muujinayso, iyadoo xirmooyinka internet-ka ee aan xadka lahayn ee 24-saac ah laga siyaadiyey $0.50 oo laga dhigay $1. Sidoo kale, xirmooyinka toddobaadlaha ah ee markii hore 2GB lagu heli jiray $0.50 ayaa hadda isla qiimahaas lagu helayaa 1.3GB.
Isbeddelladan ayaa dhaliyay dhaleecayn xooggan maalmahan, iyadoo dad badan oo reer Somaliland ah ay baraha bulshada ku muujiyeen caro, qaarna ay ku eedeeyeen shirkadaha inay ku heshiiyeen qiimo go’an, taas oo ay sheegeen in ay ka hor imanayso suuqa xorta ah ee Somaliland.
Jimcihii, Taliska Ciidanka Booliska Somaliland ayaa sheegay inuu helay xog ku saabsan abaabulka dibadbaxyo lagu diidan yahay kordhinta qiimaha. Boolisku wuxuu ku celiyay in dhammaan bannaanbaxyadu ay u baahan yihiin oggolaansho qoraal ah oo ka yimaadda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga, isagoo sheegay in aan la oggolaan doonin bannaanbax aan fasax haysan.