Thursday, March 13, 2025

Goormee La Qabanayaa Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Deegaanka Somaliland?

Soohoyde

Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa markale adkeeyay in doorashada Golaha Wakiillada  iyo deegaanka ee Somaliland ay ku qabsoomi doonto waqtigeeda rasmiga ah, isagoo caddeeyay in aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaanaya doorashada qorshaysan in la qabto 31-ka May 2026

Madaxweyne Cirro, oo uu wehelinayo Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa kulan la yeeshay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Kulankaas ayaana diiradda lagu saaray diyaar garowga doorashada

Intii uu socday kulanka, Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa Madaxweynaha la wadaagay halka ay marayaan howlaha doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiillada. Guddigu waxa ay Madaxweyne Cirro la wadaageen baahida dhaqaale ee ku xeeran doorashada iyo sidii loo sugi lahaa in ay si hufan u dhacdo.

Madaxweynaha ayaa dhankiisa u caddeeyay Guddiga in xukuumaddiisu ay doorashada ka taageeri doonto dhanka dhaqaalaha, si loo hubiyo in aysan wax caqabad ah ku imaan qabsoomideeda.

Madaxweyne Cirro ayaa mar kale xusay in aysan jirin wax dib u dhac ah oo ku imaan doona doorashada, taas oo la qorsheeyay in ay dhacdo 31-ka May 2026. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in xukuumaddiisu ay ka shaqeyn doonto sidii doorashadu ay ugu dhici lahayd si nabad ah.

“”Doorashooyinka isku-sidkan waxay ku qabsoomi doonaan waqtigii loo asteeyey, 31-ka May 2026.” Ayaa lagu yiri qoaraal ka kasoo baxay madaxtooyada Soomaaliland.

Doorashada Golaha Wakiillada Somaliland ayaa la filayaa in ay ka qabsoonto dhammaan deegaanada Somaliland, iyadoo lagu dooranayo xildhibaannada Golaha Wakiillada oo ka kooban 82 xubnood. Sida uu qabo Qodobka 40-aad ee Dastuurka Somaliland, xildhibaannada Golaha Wakiillada waxa lagu soo doortaa doorasho guud oo uu shacabka si toos ah u codeeyo.

Musharrixiinta ku guuleysta doorashada Golaha Wakiillada  iyo deegaanka waxay xilka hayn doonaan muddo shan sano ah (5 sano), taas oo ka bilaaban doonta maalinta ay Maxkamadda Sare ku dhawaaqdo natiijada rasmiga ah ee doorashada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here