Wednesday, February 5, 2025

Somaliland oo mamnuucday hubka lagu dhex wato Ceerigaabo.

Ceerigaabo – Somaliland ayaa soo saartay go’aamo cusub oo lagu adkaynayo amniga magaalada Ceerigaabo iyo guud ahaan gobolka Sanaag, xilli magaalada ay dhowr jeer ka dhaceen dagaallo beeleed sababay khasaare naf iyo maalba leh.

Wafdi ka kooban xubno ka tirsan golaha wakiillada iyo xukuumadda Somaliland, kuwaas oo sheegay in loo xilsaaray dejinta xasiloonida Ceerigaabo, ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ammaanka magaalada ay sugayaan oo keliya ciidamada booliska. Go’aamadan cusub ayaa mamnuucaya in dad shacab ah ama cid aan booliska ahayn ay magaalada hub ku dhex wataan.

“Guddigu waxa uu farayaa ciidamada in wixii ka bilowda 3-da Febraayo 2025 aan lagu arki karin magaalada Ceerigaabo cid hub sidata, cidii lagu arkaana ay ciidanku tallaabo ka qaadayaan. Sidoo kale, ciidamada ammaanka gobolka Sanaag waxay masuul ka yihiin sugidda xasilloonida gobolka,” ayuu yiri xubin ka tirsan guddiga.

Shacabka magaalada Ceerigaabo ayaa lagu wargeliyey inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadda iyo deganaanshaha gobolka. Wafdiga Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqay dadkii ka barakacay magaalada Ceerigaabo inay dib ugu soo laabtaan, iyagoo xusay in xaaladda amni ee magaalada ay hadda wanaagsan tahay.

Go’aamadan ayaa kusoo beegmaya xilli Ceerigaabo ay dhowr jeer dagaallo ka dhaceen, kuwaas oo sababay barakac ballaaran. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, dagaalkii ugu dambeeyay wuxuu sababay in ku dhowaad 43,000 qof ay ka qaxaan magaalada, iyagoo guryahooda uga cararay dagaallada ka dhacay halkaasi.

Dhinacyada Somaliland, Khaatumo, iyo Puntland ayaa si kala duwan uga hadlay colaadda ka taagan Ceerigaabo, taasoo taagneyd ilaa sanadkii tegay iyadoona marrar midba midka kale u ku eedeey colaadda magaalada.

Dhamaad.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here