Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo ku baaqday in wax laga qabto xiisadda Badda Cas

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujisay xiisada ka taagan Badda Cas, iyada oo ku baaqday in si deg-deg ah wax looga qabto.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in xiisadda kasoo cusboonaatay Badda cas ay halis ku tahay ammaanka Badda, deganaanshaha Gobolka iyo sidoo kale nolosha malaayiin qof oo ku tiirsan maraakiibta ganacsiga ee mareysa Badda Cas.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda taagan in mudnaanta la siiyo diblomaasiyadda, wadahadalka, iyo xallinta khilaafka jira” ayaa lagu yiri, war-saxaafadeedka.

War-saxaafadeedku waxa uu intaas ku daray in xiisadda taagan lagu xallin karo hannaan iskaashi ah oo mudnaanta siinaya ammaanka guud ee Badda, isla markaana ixtiraamaya qawaaniinta caalamiga ah.

Somaliland ayaa ballan qaaday in soo dhawayneyso saaxiibbada doonaya inay ka qayb qaataan dadaallada amniga Badda, si loo xaqiijyo in Badda Cas ay noqoto marin-biyood nabdoon oo dhammaan safarrada maraakiibtu si amni ah u mari karaan.

Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi kulan la qaatay qaar ka mid ah ganacasatada, isaga oo kala hadlay saameynta ay ku yeelan karto xasaradda ka taagan Badda Cas isu socodkii ganacsiga Somaliland iyo guud ahaan Gobolka.

Kulanka waxaa kasoo qeyb galay Wasiiro iyo Mas’uuliyiinta rugta ganacsiga Somaliland, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo maareyn lahaa saameynta dhaqaale ee ka dhalatay duruufaha kusoo kordhay ganacsigii isaga kala gooshi jirey marinka Badda Cas, kadib weeraradii kooxda Xuutiyiinta Yemen ay la beegsatay maraakiibta ganacsiga ee Israa’iil.

Labada dhinac ayaa isla gartay in la diyaariyo qorshe wax looga qabnayo in arrimaha socda ee sameynta culus ku yeelan kara nolosha bulshada.

Ganacsatada ayaa soo jeedisay talooyin iyo aragtiyo lagaga gudbayo duruufaha ganacsi iyo kuwa dhaqaale ee soo kordhay oo ay ka mid tahay in la dhiso guddi isku dhafan oo xukuumadda iyo ganacsatada ka kooban kaas oo xal waara ka keena dhibaatada dhanka isu socodka ganacsiga iyo badeecadaha ee mandaqadda kusoo korortay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here