Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo sheegtay in ay dacwad ka gudbisay Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa sheegtay in ay dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u gudbisay hay’adaha qaabilsan arrimaha garsoorka iyo xuquuqda aadanaha, iyada oo ku baaqday in baaritaan lagu sameeyo jir dil lagu sameeyay dad kasoo jeeda deegaanada Somalialnd, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Xukuumadda Somaliland.

“Waxa ay Jamhuuriaydda Somaliland uga digaysaa in Dowladda Soomaaliya ka waantowdo dadkaas ay waxyeelaynayso ee qaar la dilay, qaar la xidhxidhay, taasoo keeni karta cawaaqib xumo raagta” ayaa lagu yiri, War-saxaafadeedka.

Somaliland waxa ay sidoo kale kasoo horjeesatay heshiisyada ay Soomaaliya la gashay Dowladaha kale, iyada oo tillmaamtay in aysan quseynin oo ay si madax bannaan u maamusho deegaanadeeda.

“Jamhuuriyadda Somaliland maddaama ay maamusho baddeeda, barrigeeda iyo cirkeeda, waxay beesha caalamka u caddaynaysaa in heshiis kasta oo ay gasho Dowladda Soomaaliya aanay khusayn Jamhuuriyadda Somaliland”.

Golaha Wasiirada ee Somaliland ayaa ugu baaqay beesha caalamka gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala xiriiraan Somaliland.

Hadalkaan kasoo baxay Somaliland ayaa kusoo beegmaya iyada oo ay taagantahay xiisadda ka dhalatay heshiiskii Badda ee ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kaas oo ay Dowladda Soomaaliya ka hortimid.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here