Saturday, May 31, 2025

Somaliland Oo Xafiis Wakiilnimo Ka Furatay Kenya

Nairobi, Kenya – 30 May 2025 – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro, ayaa si rasmi ah u daahfuray xafiiska cusub ee Somaliland ku yeelaneyso magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, sida lagu sheegay bogga Xafiiska Afhayeenka Somaliland.

Munaasabadda furitaanka ayaa ka dhacday banaanka xarunta cusub, waxaana ka soo qeybgalay masuuliyiin ka tirsan Somaliland, shaqaalaha xafiiska cusub iyo qeybaha kala duwan ee Soomaalida ku nool Nairobi.

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in furitaanka xafiiskan uu qeyb ka yahay dadaallada Somaliland ku doonayso in ay xiriir diblomaasiyadeed iyo mid bulsho la yeelato waddamo badan oo caalamka ah, isagoo carabka ku dhuftay in xiriirka Somaliland iyo Kenya uu yahay mid taariikhi ah, ayna jiraan bulsho badan oo Somaliland ka soo jeeda oo muddo dheer ku nool Kenya.

Cirro ayaa  sidoo kale tilmaamay in madaxtooyada Kenya si diirran u soo dhaweysay wafdiga Somaliland, ayna labada dhinac ka wada hadleen danaha guud ee labada shacab.

Si kastaba ha ahaatee, war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya 26 May 2025 ayaa lagu sheegay in xafiiskaasi aanu haysan oggolaansho rasmi ah oo ka yimid dowladda Kenya, isla markaana uusan heli karin darajo diblomaasiyadeed, maadaama aan Somaliland si rasmi ah loo aqoonsanayn.

Madaxda Somaliland ayaan wali ka jawaabin si toos ah warbixinta ka soo yeertay dowladda Kenya, balse furitaanka xafiiska ayaa loo arkaa tallaabo siyaasadeed oo ay Somaliland ku doonayso in ay ku muujiso jiritaankeeda dalnimo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here